Sign in to follow this  
General Duke

Siilanyo condemns Riyaale militia attack on the people of Toghdeer

Recommended Posts

Axmed-siilaanyo oo Xadhigga Xirsi ku Tilmaamay Kibir Xukuumaddu kula Dhaqmayso Shacbiga

 

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si kulul u cambaareeyey xadhigga Guddoomiye-ku-xigeenkii iska casilay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Axaddii habeen hore ciidammada booliska Gobolka Togdheer xabsiga u taxaabeen, isaga oo isla shalayna loo soo dhaadhiciyey xarunta CID-da magaalada Hargeysa oo hadda lagu hayo, xadhiggaas oo uu ku tilmaamay fal gar-darro ah oo aan loo soo marin sifihii sharciga ahaa.

 

 

Md. Axmed-siilaanyo oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay, si ay wax uga waydiiso xadhigga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo ciidammada millatariga ah ee xukuumaddu geysay Gobolka Togdheer, si ay hawlgallo dhinaca amniga la xidhiidha uga fuliyaan, ayaa sidoo kale wuxuu cambaareeyey tallaabada xukuumaddu ciidammada millatariga uga hawlgalisay Gobolka Togdheer, taas oo uu ku tilmaamay in dawladdu hadidaad iyo cago-jugleyn uga dan leedahay.

 

 

Guddoomiyaha KULMIYE oo la waydiiyey sida uu u arko xadhigga Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu yidhi; “Xirsi waxa lagu xidhay ilaa iminka si cad uma ogi, Badhasaabku wuxuu ii sheegay in qori lagu qabtay, cid uu wax ku yeelayna lama sheegin, hubkuna Burco iyo magaalooyinka kale ee dalkaba wuu wada yaalaa oo guraha ayaa lagu haystaa, nabadgelyada dalkana waxba laguma yeelo oo dadku waa muwaadiniinta nabadgelyada dalkooda jecel oo ilaashanaya. Laakiin, sida aynu wada ognahay dawladdu iyadaa dalka nabadgelyo-darro ka abuuraysa.

 

 

Xadhigga Xirsi Cali Xaaji Xasanna waxaan u arkaa inuu qayb ka yahay kibirka ay dawladdu shacbiga kula dhaqmayso, qori buu sitayna hadal maahee dambi buu galay maanu maqal, maxkamd baa la geeyey maanu maqal, markaa waxaan u arkaa fal gar-darro ah oo lagula dagaalamayo ciddii dalka u dhaqdhaqaaqaysa ee ganacsatada xoolaha iyo xorriyatul-qawlka wax u qabanaysa.

 

 

Waxa kale oo aannu u aanaynaynaa xadhigga Xirsi shirarka ka socda Gobolka Togdheer, xadhigga Xirsi-na waannu dhaleecaynayaa runtiina aad baanu uga xunnahay, waanna gef xorrayadiisa lagu sameeyey oo xukuumaddu meel kaga dhacday.”

 

 

Md. Axmed-Siilaanyo oo la waydiiyey waxa uu ka ogyahay hawlgallada ciidammada booliska iyo millatarigu ka wadaan Gobolka Togdheer ee lagu sheegay in amniga lagu sugayo, waxa uu yidhi; “Warkooda rasmiga ah mahayo ciidammadaas la sheegayo, laakiin waxay qayb ka yihiin hanjabaada iyo caga-juglaynta lagu hayo shacbiga, Togdheer oo kaliyaatana maaha meesha millatariga lagaga bajinayaayey waa sidii Hargeysa iyo Berberaba ka dhacday ee ciidammadu gaaf-wareegayeen waddooyinka.

 

 

Cududna millatari ee lagu hadidayo dadweynaha reer Togdheer waannu cambaaraynaynaa, gobolkuna waa ammaan oo ma muuqato sabab waqtigan ciidamo loo dul dhigaa, laakiin shirarka meesha ka socda iyo arrinta xoolaha ayuun bay la xidhiidhaa hawlagalladan ciidammadu wadaan.

 

 

Xukuumadda Rayaale-na marna dadka reer Somaliland ku baqo galin mayso xadhig, hanjabadeeda iyo caga-jugleyn iyada oo ciidammadu difaaca dalka u adaagsanaysa.”

 

 

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la waydiiyey su’aal ahayd, “Waxa ka jira warar sheegaya in ciidamo lagu ururiyey deegaamo ka mid ah Gobolka Togdheer oo baabuur dusha sare laga gooyey qoryo la saaray, arrintaas miyaanay noqon karin mid dawladda ku keliftay hawlgalladan amniga la xidhiidha.” Waxaannu isaga oo ka jawaabaya si kooban u yidhi; “Ciidammada la ururinayo iyo baabuurtaa la sheegayo in qoryo la saaray warkooda ma hayo, waxbana kama ogi sabab dadka reer Togdheer waqtigan ciidamo u urursadaana aniga iima muuqato ee waxaan u arkaa wax la buun-buuniyey, mana jirto ayaan leeyahay.”

 

 

Eng. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ahaa xubintii uu xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE u soo magacaabay inuu ka mid noqdo toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxa uu xilkii uu hayey iska casilay 5-tii bishii May 2008, kadib markii xubnaha Komishanku ku eedeeyeen inuu warbaahinta siiyey hadal aanay isla ogayn Komishanku, waxaanay ka qaadeen jagadii Guddoomiye-ku-xigeenka, isaguna waxa uu 20 daqiiqo kadib ku dhawaaqay inuu iska casilay xubinimadii Guddiga Doorashooyinka Qaranka gebi ahaanba.

 

 

“Komishanku maaha wasaarad u shaqaysa Madaxtooyada ee waa guddi waxaanay u igman yihiin inay qabtaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, uguna qabtaan xisbiyada qaranka si caddaaladi ku jirto. Xisbigii isoo xushayna waxaan leeyahay xubin kale u soo xula booskan, waayo rag badan oo iga aqoon badan ayaa xisbiga ka buuxa.” Weedhaasi waxay waxay ku jirtay hadalladii uu ka sheegay Xirsi Cali Xaaji Xasan shirkii jaraa’id ee uu kaga dhawaaqay iscasilaadiisa, taasi oo loomaynayo inay tahay halka laga raacay ee horseeday xadhiggiisa waqtigan, inkastoo aan si rasmi ah loo sheegin dambiga loo hay

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this