Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo $10 kun oo Dollar ku wareejiyay Dr. Xabeeb

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1666607684236.jpg

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale (Xabeeb) oo maalmihii u danbeeyay xanuunsanaa isla markaana uu horey Guddoomiyaha u booqday.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lacag dhan $10 kun oo Dollar ku wareejiyay Dr. Cabdiraxman Xasan Cawaale (Xabeeb) oo xanuunsanaya.

“Dr. Cabdiraxman Xasan Cawaale (Xabeeb) oo aan horey ugu balan qaaday inaan ku garab istaagi doono sidii uu u heli lahaa daryeel Caafimaad oo dhameestiran ayaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay si aan ugu wareejiyo qidmad lacageed oo gaareysa 10-kun oo Dollar si ay kaalma Caafiimad ugu noqoto Dr-ka” ayuu yiri Madaale

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo $10 kun oo Dollar ku wareejiyay Dr. Xabeeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this