Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar qaraxyo ku bilowday oo ka socda hotel ku yaalla Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday hotel Tawakal oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in labo qarax oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen albaabka hotel-ka, kaddibna ay koox hubaysan gudaha u galeen.

Ciidamada ammaanka Jubaland oo gaaray hotelka weerarku dhacay ayaa gudaha hotelka kula dagaalamaya kooxdii weerka soo qaaday.

Hotel-ka Tawakal ayaa ah hotel caan ah oo dhawaan dib u habayn lagu sameeyay, wuxuuna ku yaallaa xaafadda Faanoole, gaar ahaan wadada aada dekedda Kismaayo.

Wixii warar ah ee ka soo kordha weerarkaas halkan kala soco.

PUNTLAND POST

The post Weerar qaraxyo ku bilowday oo ka socda hotel ku yaalla Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this