Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo furmaya xilli ay jiraan is-diidooyin siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa sida qorshaysan furmi doona Talaadada todobaadkan oo ku beegan 25-ka October 2022.

Kal-fadhigan oo ka duwan kuwii hore ayaa ku soo beegmay xilli ay Puntland ka jiraan is-diidooyin siyaasadeed oo salka ku haya khilaafka ka taagan barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la rumaysan yahay in uu doorashooyinka qof iyo cod ku dhex qarinayo mudda kororsi xeeladaysan si uu xukunka u sii dheeraysto.

Mudda-xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Deni waxaa hadda ka harsan mudda hal sanno iyo laba bilood ah oo ku eg 8 January 2024.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo furmaya xilli ay jiraan is-diidooyin siyaasadeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this