Deeq A. Posted October 23, 2022 Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland ayaa sheegtay in saadaashu muujinayso Roobab mahiiggaan ah oo ku soo wajahan Puntland gaar ahaanna Gobolka Nugaal. Qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa digniin loogu jeediyay Bulshada ku nool dhulka godan iyo meelaha biya qaba-tinka leh waxaana Wasaaraddu ku wargelisay in ay feejignaan muujiyaan. “Digniin ku saabsan roobabka; waxay saadaashu sheegaysaa inay jiraan Roobab mahiigaan ah, gaar ahaan Gobolka Nugaal, haddaba waxaa bulshada Puntland ku wargalinaynaa inay ka digtoonaadaan meelaha biyo qabatinka ah Miyi, Magaalo iyo Xeebaha” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. Digniinta Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland ayaa ku soo beegmatay xilli ay xalay daadad khasaare hantiyeed sababay ku soo rogmadeen magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka digtay Roobab mahiigaan ah oo daadad wata appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites