Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Lascaanod: TV-Ga “ETN� oo Xarun Ka furay Magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Lascaanod: TV-Ga “ETN†oo Xarun Ka furay Magaalada Laascaanood

 

- Wednesday, October 19, 2005 at 19:03

 

 

Tv-ga Eastern Television Network - Fogaan Araga Barri ayaa waxa si rasmiya uu xafiis uga furtay magaalada Laascaanood oo xarun u noqon doonta Gobollada Sool, Cayn iyo Sanaag .

 

 

etn6.jpg

Maamulka & Hawlwdeenada ETN, Lascaanod

 

 

Xafiiskan cusub oo uu xadhiga ka jaray Eng. Cabdiwali Shiikh Xasan Maamulaha T.V-ga ETN ee xaruntiisu tahay magaalada Boosaaso ayaa waxa ka soo qayb galay hawlwadeenada xafiiskan cusub oo uu horkacayo wariyaha caanka ah Cismaan C/nuur Xaashi.

 

Waxa kale oo ka mid ahaa odayaasha ka soo qayb galay furitaanka xaruntan C/xamid Garaad Jaamac, Cabdiwali Shiikh Xasan maamulaha T.v ayaa sheegay in xafiiskani qayb libaaxle ka qaadan doono soo gudbinta wararka gobollada Sool,Sanaag Iyo Cayn, waxa weyna ka qaban doonta sidii loola socon lahaa wararka gobolada Puntland.

 

C/wali mar uu ka waramayey sida uu arko magaalada Laascaanood ayuu sheegay in magaalada Laascaanood aad u balaadhan tahay , sidii markii hore uu moodayeyna ay aad uga duwan tahay,taasina ayba sii laban laabayso baahida loo qabo in lala socdo wararka magaalada Laascaanood. horumarka magaalada Mar uu soo qaatay ayuu sheegay in magaalada Laascaanood la odhan karo in ay ka baaxad weyn tahay Boosaaso inta ay ku fadhido, waxa kale oo uu sheegay C/wali in uu aad ula dhacay guryaha bilicda wanaaqsan ee magaalada iyo sida loo naq-shadeeyey , wuxuuna aad ugu ammaanay magaalada adeegyada bulshada sida isgaadhsiinta oo ay meel hore kaga jirto marka loo eego gobolada Soomaaliya , sida Korontada Joogtada ah iyo isgaadhsiinta casriga ah Internet, iyo telefoonada, wuxuuna ku soo gabagabeeyey in aanu arag intii uu joogay waxqora sita taasina ay kuu qeexayso nabad magaalada.

 

T.vga ETN ayaa sadex bilood ka hor uu si rasmiya uga hawlgalay Magaalada Boosaaso, waxaana lagu wadaa in dhamaan gobollada Puntland la gaadhsiyo, waana T.V-gii ugu horeeyey ee laga hirgaliyey Dawlad Goboleedka puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indeed, a good development. However,

 

arrin wanaagsan oo kor u qaadasa saxaafada somalia

Not according to journalist freedom agencies across the globe. This PL admin has a knack for detaining journalists who tell the truth (i.e. the STN editor who was jailed because he depicted the harrowing situation in Boosaaso jails). Unless they change this approach, I'm afraid that journalists will flee PL because of its North Korean-like restrictions on press freedom.

 

READ:

 

"Police brutality, arbitrary decrees and filthy prisons make Puntland a high-risk region for the press"

 

http://www.hiiraan.org/2005/oct/somali_news19.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this