Sign in to follow this  
Suldaanka

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Sanadkii Tegay Ee 2004

Recommended Posts

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Sanadkii tegay ee 2004.

 

 

Sida la wada ogsoonyahay baahida bani aadamku ma aha wax dhaamada waxa kaliya oo dhameeya geeri sidii uu Rasuulkeennu sheegay SWSC (Afka Bani aadamka ma buuxiyaan waxaan ciid ahayni). Hadaba iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxa aynnu o urdaynaa, u kifaaxaynaa, geedi iyo galab carow ugu jirnaa sidii qaar ka mid ha bahiya jira sida nolol maalmeedka qof waliba u dabooli lahaa ama wax dheer u heli lahaa.

 

 

Iyadoo taa la wada ogsoon yahay ayaa gobolka Togdheer dadkiisu ay geedi iyo galab carow ugu jireen siday horumar u tiigsan lahaayeen iyada marar badan ay dhacaysay in wax yaaba kale lugta jiidayeen ama xoogaga debedeed culays saarayeen si horumarka bulshadu aanu u noqon mid taaba gala. Sida badan waxa la sheegay danaha xoogagan debedeed ka lahaayeen lug jiidka reer Togdheer in uun uu ahaa si aanay uga xoroobin u bahnaanshaha meela kale ee ay Buroco ama Gobolkuba u noqdo mid uun meel kale iyo cid kale wax ka suga.

 

 

Gobolka Togdheer oo ku caan baxay taarikhdana ku galay odayaynta, nabadaynata, dad isu keenka, marti-soorka iyo guud ahaan dulqaadka ayaa mar kaliya lagu shaanbadeeyay in uu yahay gobol aan nabadi ka jirin oo sida muqdisho Khad-cagaaran iyo khad casi ka jiraan islamkaana isaguna ubadkiisii iyo maatadiisii ku tuntay.

 

 

Hadaba wax kasta oo lagu tilaamo waxa aan cidina beenin Karin in bulsha waynta ku dhaqan gobolka Togdheer ay udub dhaxaad u yahiin jiritaanka, horumarka, difaaca iyo nabadgalyada Jamhuuriyadda Somaliland, (an amprella ) isla markaana ay gaadheen guula aan la iska indha tir karin oo dhinac walba leh, taas oo ay ku kasbadeen hogaanka wanaagsan ee dawladda Madaxweyne Rayaale u magacaabay gobolka, iyo isku duubnida bulshada gobolka.

 

 

Waa mid xusid mudan in sanadkii tagay uu reer Togdheer u ahaa mid ku dhaafay nabadgalyo iyo guud ahaan dhibaato la’aan, inkasta oo ay jireen saamayn wayn oo marwalba xaaladda Sool ka taagani ku yeelanaysay arimahaooda nabadgalyo iyo dhaqaale, hadana may dhicin sidii dad badani ka baqayay in deganaansho la’aan ay u keento gobolka.

 

 

Sida uu noo sheegay Kornayl Saleeban Ducaale oo ah taliyaha mid ka mid ah Saldhigyada boliiska magaalada Burco mar aannu si guud wax uga waydiinayay arimaha nabadgalyada iyo dhul isku qabsiga, wuu yaraa dilku marka loo eego sanadahii ka horeeyay sidoo kale dhul isku qabsigii 2004 ta waxa uu hoos u dhacay in kabada 45% marka loo eego sanadahii ka horeeyay.

 

 

Inkasta oo marwalba shacbiga reer Togdheer ay gacanta sare ee horumarka iyo nabadgalyada bulshada gobolkooda iyagu iska leeyahiin hadana waa mid aan messha laga saari Karin sida hagarla’aanta ah ee maamulka dawladda heer gobol iyo degmaba ee uu gadhwadeenka ka yahay Gudoomiyaha gobolka Mudane Cabdi X. Dheere ay gacanta wayn uga gaysteen, siiba dhiirigalinta, maamulka degaamada, horumarka degmooyinka iyo ka shaqaynta nabad galyo waarta oo ka aslaaxada beriga gobolka.

 

 

Gudoomiayaha Gobolka oo ay weheliyaan dhamaan waxyahay iyo laamaha dowlladda gobolku waxay u gogola xaadheen in si wada jir, hagar la’aan oo niyad wadaniyadeed iyo walaalnimo leh dadwayanaha reer toghdeer gacmaha isu qabasadaan una dhaqaaqaan dhismaha bulsho caafimaad qabta oo ka xorowday cudurka qabiilka, iyo kala qoqobnaanta.

 

 

Gobolka Togdheer oo sidaan kor ku xusay xuduud dheer la leh gobolka Sool isla markaana xidhiidh dhaqan/dhaqaale oo aad u da’weyn uu ka dhexeeyo dadyowga labada gobol hadana marnaba arimaha muranka xuduudaha ee Samaliand iyo Gobolka la baxay Puntlan. saamayn wayn kumay yeelan nabadgalayada iyo wada noolanshaha dadyaowga labada gobol, taas oo sida la wada ogsoonyahay doorka ugu wayn uu ka ciyaaray gudoomiyaha Gobolku isaga oo balan qaaday nabad galyada iyo wadanoolansha dadweynaha gobolka Togdheer in aan wxba laga hor marinayn.

 

 

Mar aannu wax ka waydiinay gudoomiayaha Gobolka Mudana Cabdi Xuseen Dheere waxa uu damacsanayahay in uu gobolkan u qabto sanadka 2005 ta, waxa uu nooga xogwaramay qorshayaal farabadan oo guud ahaan la doonayo in gobolka laga hirgaliyo gaar ahaan magaala madaxada, kuwaas oo uu ka xusay wadoonyin isku xidhaya degmada Oodwayne iyo magaala madaxda Burco, wadooyin yar yar oo dhawra oo iyaguna xidhidhinaya wadada laamiga ah iyo tuulayoonka bali waynta siiba waddo isku xidhaysa Wadaamagoo, QoriLugud iyo Balli-Dhiig.

 

 

Waxyaabaha gudoomiyuhu xusay waxa kale oo ka mid ah dhamaystirka Buundada Burco oo isagu dhagaxii ugu horeeyay uu dhigay, hirgalinta iyo ka qaybqaadashada Dhismaha cusub ee Jamacadda Burco, balaadhinta Dhaqtaka guud ee Burco, badinta Saldhigyada Booliiska ee Magaala madaxda Burco oo sida uu sheegay aad u ballaadhanaysa, iyo guud ahaan xoojinta, dhiiri galinta iyo taabagalinta nabadgalyada gobolka Togdheer.

 

 

Gudoomihaya gobolku Mudane Cabdi X.Dheere waxa uu xusay mahad waynna u celiaya dhamaan masuuliyiinta sida wanaagsan ula shaqeeyay ee gobolka Togdheer siiba masuuliyiinta deganada Burco oo ay ka mid yahiin Taliyayaasha Booliiska, madaxda wasaradda Caafimaadka, Wasaradda waxbarashada, iyo gaar ahaan Gudoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Burco oo uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa iyo isaga oo waliba sheegay in ay ka dhabtahay reer Burca nimadu si hagar la’aan ahana uu dadkiisa ugu adeegayo isaga oo wax kasta ka hor marinaya danaha bulsha waynta reer Burco.

 

 

Ugu dabnayntii mar aannu waydiinay waxa uu u jeedinayo dadwaynaha reer Burco dal iyo debedba waxa uu yidhi†Marka ugu horaysa dhamaan dadkaygu way salaamanyahiin, intaas kadib waxa aan ilaahay uga rajaynayaa in ay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, badhaadhe iyo bash-bash Aakhirana ilaahay u deni dhaafo, waxaan intaa raacinayaa dalkeennu hawl badan oo ceeb iyo canaanba leh ayuu u baahanyahay qof aan waxba qabanayn ayaan ceeb iyo canaan lahayn. Waxaannu doonaynaa diyaarna u nahayn in aannu bulshada si daacadnimo iyo wadaniyadi ku jirto ugu shaqaynno. Waxaannu shacbigayga ka codsanayaa in ay nagu gacan siiyaan hawshaas balaadhan ee aannu dhabarka u ridanay (nin xil qaaday eed qaad) sidaa awalaba noogu gacan siinayseen, waxaan si gaara qurba joogga reer Togdheer u waydiinayaa in ay dhulkooda maal gashadaan, inay ay dib usoo eegaan maatada iyo danyarta jilicsan ee dhulkii kaga danbaysa, isla markaana gacan ka gaysataan horumarka arimaha bulshada oo ay wax tar ka gaystaan dhismayaasha Iskuulada, Dhaqtarada, Biyo galinta, nadaafadda guud ee bulshada iyo wax kasta oo nabadgalyada lagu horumariunayo. “

 

 

Isaga oo hadalka sii wata waxuu yidhi “Waxaan kale oo idinku baraarujinayaa qolyahiina qurba jooga ah in aad samaysaan jid ama dariiq aad iskaa wax UQABSO mudadu intay doontaba ha ahaatee dalkiina ugu shaqaysaan. Tusaale ahaan ninka/gabadha dhaqtar baratay/bartay hadii uu lix bilood ama saddex bilood yimaaddo Burco oo dadkiisa wax uqabto isgana wax bay utahay dadkiisana wax buu u qabtay. Masalan inanka ama inanta Jaamacad ka qalin jabinaysa ee sanad ama lix bilood dalkeeda ku soo noqda/ta miyaanay labada dhinacba wax ka faa-iidin, waa mare dhulkoodii, dadkoodii ayay barteen waxna bareen marka kalena iyagaa wax bartay oo shahaadadoodii wax ku siyaadiyay. Marwalba waxaan ilaahay inooga rajaynayaa in uu danteenna ina garan siiyo dadkeenna intiisa badani waxay ku mashquuleen wax if iyo aakhiro toonna aan dani ugu jirin.ee Ilaahay danteenna ha ina tuso oo ha inagu toosiyoâ€

 

 

Hadaba hadaynnu guud ahaan soo koobno horumarka gobolku gaadhay mudadii uu mudane Cabdi X. Dheere xilka hayay, waa mid aan halkan lagusoo koobi karayn hase yeeshee waxa hoosta ka xariiqan waa markii ugu horaysay ee mashariic intaa tira leg gobolka laga hirgaliyo. Waxa kale oo iyana mid lagu faano ah in nabad galyo baahday oo aan liic liic lahayni gobolka ka hana qaaday iyada oo shacbiga gobolka toghdeer ay ka bislaadeen wax yaabahii xasaasiyadda badnaa ee marba isku kicin jiray. Waxa sare usoo kacay heerkii waxbarasho ee gobolka iyada oo aan ognahay in ilaa heer Jaamacadeed hadda la marayo. Dhinaca dhaqaalaha waxa dhiiraday ganacsatdii gobolka u dhalatay oo bilaabay in ay keenaan warshado sida Indhadeero oo hadda weshadii Bayl dib u furaya iyo waliba bayac mustar bahay oo dhamaan isku xidhay degmooyinka gobolka oo dhan. Xagga dhismaha waxa ka socda mashaariic badan oo dhismayaal hudheello cusub iyo guryo casriya oo sida badan qurba joogga reer Toghdheer maalgalinayaan. Waxyaabahaas oo dhamina waxay marqaati cad u yahiin in Gobolka Togdheer diyaar u yahay in uu muujiyo kaalinta muhiimka ah ee uu dalka kaga jiro.

 

 

Ahmed A Ubaxle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this