Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: Parliment passes important bills..

Recommended Posts

BAYDHABO: Xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta kulan ku yeeshay Baydhabo Ansixiyayna Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah

Posted to the Web Nov 25, 13:19

 

 

Baydhabo (PP) - Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo oo maanta xaruntooda kulan ku yeeshay ayaa waxay ku ansixiyeen Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federaalka Somalia.

 

Guddigaan oo doodoodu soctay muddo dheer ayay maanta soo afjareen xildhibaannada baarlamaanka, waxaana qoraallo lagu qeexayo guddigaan loo qaybiyay xidhibaannada todobaadkii hore iydoo maanta ay ballantu ahayd inay ansixyaan ama diidaan, wayna ansixiyeen.

 

Xildhibaannada ka so qaybgalay maanta kulanka lagu qabtay Xarunta ADC-da Baydhabo ayaa waxay gaarayeen 149-xidhibaan oo ay ka mid yihiin Wasiirradii hubeysnaa ee Xamar laga eryay, waxaana doodo dhaadheer kaddib ay isla ogolaadeen in la anisixiyo guddigaan.

 

Ka hor intii aanay ansixin Xildhibaannadu guddigaan ayaa waxay ka dhageysteen warbixin Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo u amabaxay dalka Dibadidisa, waxaana uu ka codsaday xildhibaannada inay maanta ansixiyaan guddiga Shaqaalaha Rayidka ah.

 

Guddiga Shaqaalaha Rayid ah ayaa waxa ku xiran Miisaaniyad sanadeedka Dowladda, waxaana tani ay sahlaysaa inay Dowladdu dajiso Miisaaniyad sanadeedkeeda caadiga ahaa si ay howlaheeda uga billowda xarunteeda Baydhabo.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this