Sign in to follow this  
Deeq A.

Buux oo loo doortay ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaannada Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Johannesburg (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa loo doortay xubin ka tirsan golaha fulinta ee Ururka Xoghayeyaasha Baarlamaannada Afrika, kadib shir ka dhacay waddanka Koonfur Afrika.

Buux oo ka qayb-galay shirka xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannada Afrika oo ka dhacay magalada Johannesburg ayaa ku guuleystay ka mid noqoshada guddiga fulinta ee Baarlamaannada Afrika, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka.

“Shirkii Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannadda Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29 -31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta ee Ururka Xoghayeyaasha Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Shacabka.

Guusha Cabdikariim Buux ayaa ah mid muhiim ah waxayna noqaneysaa markii u horreysay ee Somalia loo doorto ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaannada Afrika.

Doorashadaan ayaa ku soo aaday, xilli la soo gabagabeeyey shirweynihii 11-aad ee Baarlamaannada Afrika, waxaana Soomaaliya uga qayb-galay Sheekh Aadan Madoobe.

Shirka oo labo maalmood socday ayaa waxaa diirada lagu saaray adkeynta iskaashi buuxa oo  dhexmara dowladaha ku bohoobay madashan iyadoo muhiimad gaar ah la siiyey la socodka isbedelka cimilada iyo qaaradda iskugu tashan lahayn cunna yerida aduunka soo wajahdey, sidoo kale sidii looga dhabeyn lahaa ballan qaadyada ka soo baxa shirkan u dhexeeyey Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo khudbad ka jeediyey shirkaas wuxuu sheegay saameynta isbedelka cimalada Afrika iyo sidii loo soo afjari lahaa cuno yaraanta ay wajaheeyso qaarada Afrika ayadoo loo maraayo dejinta shuruuc adkeeyneyso wax-soo saarka iyo saameenta cudurka Covid-19.

The post Buux oo loo doortay ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaannada Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this