Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo qorshaynaya in uu xilka qaadis ku sameeyo Agaasimaha Sirdoonka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu dhowaan xil ka qaadis ku sameeyo Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinayan in Madaxweyne Siciid Deni uu xilka qaadis ku samayn doono Agaasimaha PISA Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte).

Mukhtaar Jeyte oo kamid ahaa dadka ugu dhow Madaxweyne Deni ayaa horay xilkan loogu magacaabay 23 September 2019 waxaana uu xilka hayaa mudda saddex sano ah oo wax yar dhiman.

Magaca PISA ayaa la bixiyay 28 June 2018 kadib markii la mideeyay Hay’addii Nabad-sugidda ee PSS iyo Hay’addii Sirdoonka ee PIA islamarkaana hal Agaaasime loo sameeyay.

Waxaase ka horraysay in 13 June 2018 uu Madaxweyne Cabdiweli Gaas xilka qaadis ku sameeyay Agaasimayaashii PIA Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) iyo PSS Cabdullaahi Aaden Maxamed (Ulle).

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo qorshaynaya in uu xilka qaadis ku sameeyo Agaasimaha Sirdoonka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this