Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
3-6.jpg?resize=645%2C480&ssl=1

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah, oo uu la yeelanayo xildhibaannada Baarlamanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaannada kala hadlaya xallinta Xiisadda Siyaasadeed ee u dhexaysa Baarlamanka iyo Madaxtooyada, islamarkaana ka dhalatay Arrimaha Garsoorka.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Garoowe kula kulmay Xildhibaannada laga soo doorto Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Sidoo kale, kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, sida ay xaqiijinayaan warar kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this