Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda DF oo kusii jeeda PUNTLAND, kadib dhacdadii Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo uu horkacayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta la filayaa inuu gaaro Puntland, si uu usoo qiimeeyo deegaanada iyo dadka ay saameeyeen abaaraha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdigiisa ayaa ka bixi doono garoonka Muqdisho, isaga oo socdaal kusoo mari doono meelaha ugu badan ee ay joogaan dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in booqashada Ergeyga ay ku timid, kadib markii uu dalab usoo diray guddoonka baarlamaanka Puntland oo ka codsaday inuu kormeero deegaanada ay abaaraha ka jiraan, si loo qiimeeyo xaaladaha nololeed ee ka jira, loona gargaaro dadkaasi.

Booqashada Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad ka dhalatay socdaal ay Boosaaso ku tegtay Xidlhibaan Sacdiyo Yaasiin oo gargaar u waday Bari, waxaana dhacdadaasi ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka kale lama oga in Ergeygu uu horey usii qaadi doono gargaarkii dhawaan lasoo celiyey ee xiisadda ka dhex-abuuray Puntland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, balse waxaa haatan socda dadaallo ay wado Villa Soomaaliya oo lagu qaboojinayo xiisadda.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta baahsan ee ka jirta qaybo badan oo ka mid ah dalka, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka tabaaleysan.

Si kastaba, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo xil-saaray abaaraha iyo gurmadka socda ayaa horey u booqday deegaano ka tirsan maamullada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabelle, isaga oo u kuur galayey xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira gobolladaasi.

The post Wafdi ka socda DF oo kusii jeeda PUNTLAND, kadib dhacdadii Boosaaso appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this