Deeq A. Posted July 2, 2022 Allah unaxariistee waxaa caawa magaalada Hargeysa ku geeriyootay fanaanada caanka ah Khadra Daahir Cige, taas oo kamid aheyd fanaanitii barisamaadkii dalkeenna aadka looga jeclaa, marka lajoogo golaha murtida iyo madadaalada. Marxuun Khadra Daahir ayaa sanadkii 1957kii ku ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ku dhameysatya waxbarashada, iyadoo ka mid ahayd dadka codadkooda loogu jecelyahay marka Iskuullaadka la xirayo ee heesaheeda. 1970-kii ayay Khadra Daahir Cige sameysay ruwaayaddeedii ugu horeysay oo ay ka dhigta Iskuulka Farsamada ee Hargeysa, waxaana ay si rasmi ah Ruwaayadda ula sameysay Hobollada Waaberi ruwaaddii la oran jiray “DAB JCAEYL KARI WAA” Marxuumad Khadra ayaa waxaa ay qaaday heeso badan kuwaas oo aad looga jecel yahay gayiga Soomaalida si weyna dadku ay u dhageystaan, waxaana kamid ahaa Albumkii Mahigaan, kaas oo ay ku jireen dhowr, sida ISHA SACABKA MARI. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites