Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaanadii Khadra Daahir Cige oo caawa geeriyootay, dhageyso wareysi laga qaaday 1976

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Hargeysa ku geeriyootay Fanaanadii weyneed Khadra Daahir Cige oo muddooyinkaan ku xanuunsaneed Hargeysa.

Qaar ka mid ah ehellada Marxuum Khadra Daahir oo ku sugan Hargeysa ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey geerideeda. Waxay ku geeriyootay Isbitaal mudooyinkii dambe lagula tacaalaayey xaaladeeda caafimaad oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Khadra Daahir Cige ayaa ka mid aheyd fanaaniinta waaweyn ee Soomaaliyeed, waxayna aad fanka uga dhex muuqatay beri-samaadkii, inkastoo waayihii dambe ay ka fariisatay.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa qoraal uu ka soo saaray geerida Marxuum Khadra Daahir wuxuu ku yiri, “Waxaan murugada la qeybsanayaa qoyska asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday fannaanaddii Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa qoyskii ay ka geeriyootay iyo bahda fanka.”
Qoraalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku sii daray, “Marxuumaddu waxa ay kaalin muuqata oo micno leh ka soo qaadatay horumarinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay.
Waxaan Marxuumadda Eebbe uga baryayaa in uu Jannadii Fardows ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.”
 Hoos ka dhageyso wareysi ay 1976-kii siisay Radio Muqdisho

The post Fanaanadii Khadra Daahir Cige oo caawa geeriyootay, dhageyso wareysi laga qaaday 1976 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this