Sign in to follow this  
Deeq A.

Xagee ku danbeeyay mooshinkii laga hadal-hayay Baarlamanka Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa maalmihii u danbeeyay waday abaabulka mooshin ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Deni.

Xildhibaannada ayaa fursad ka dhex raadinayay khilaafka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo sida ay sheegeen saamayn ku yeeshay shaqadii xukuumadda.

Waxay ku doodayeen in haddii saddex kamid ah wasiirada ugu muhiimsan xukuumadda uu saameeyay khilaafka labada mas’uul ay tahay in gebi ahaanba meesha laga saaro xukuumadda oo dhan.

Waxaase arrintaas biya ku-shubay kulankii shalay dhex maray Siciid Deni iyo Axmed Karaash kaas oo looga heshiiyay arrintii saddexda wasiir.

Sidoo kale Xildhibaannadii mooshinka waday qaarkood oo aan saaka la hadalnay ayaa muujiyay in uu ka dhicisoobay mooshinkaas.

PUNTLAND POST

The post Xagee ku danbeeyay mooshinkii laga hadal-hayay Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this