Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Suxufiyiinta MAP oo baaq u jeediyay dowladda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxamed-Daahir-Caynsane.jpg?resize=960%2

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa dowladda u jeediyay baaq ku jihaysan ilaalinta madax-bannaanida iyo xorriyadda warbaahinta oo laf-dhabar u ah hirgelinta dimoquraaddiyadda.

Guddoomiye Caynsane oo xalay hadal kooban ka jeediyay munaasad ku saabsan hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ayaa ku boorriyay dowladda in ay tixgeliso kala duwanaanta ra’yiga iyo xorriyadda warbaahinta si loo hirgeliyo barnaamijka dimoquraaddiyadda.

“ Waxaan rabaa in aan xasuusiyo mudanayaasha dowladda naga la jooga in si uu u hirgelo barnaamijkan ay lagama maarmaan tahay in la dhawro madax-bannaanida warbaahinta in la isku ixtiraamo oo la isku dhawro kala duwanaanta fikirka iyo aragtiyaha” ayuu yiri Caynsane.

Guddoomiyaha MAP ayaa sidoo kale xukuumadda Puntland ugu baaqay in aysan xarig iyo cabsi-gelin u adeegsan warbaahinta madaxa-bannaan ee gudbinaysa wararka iyo barnaamijyada ku dhisan xorriyadda hadalka iyo aragtida kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Ururka Suxufiyiinta MAP oo baaq u jeediyay dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this