Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Dhaawac

Recommended Posts

busharo.jpg

 

Waxa Tirisay Bushaaro Cali Baando

London UK

 

 

Salaamu calaykum dhamaan ummadda soomaalida ah ee ku kala nool baallaha adduunka waxaan halkan ku soo bandhigayaa maanso ka hadlaysa dhibka jaadka kolay waa aragtidayda inta aan anigu is idhi waad ka sheegi kartaa waxaana laga yaabaa inaan wax badan ka tagay ama aanan gaadhsiin halkii ay ahaayeen tixda magaceeda waxa la yidhaa Dhaawac waxay soo baxday 13/09/2008:

 

 

Faysaloow dharaarahan

bulshadeeni dhacantoo

qaadkay dhilanayaan baa

dhibaatada u gaystoo

dhalinyariyo waa yeel

maskaxdoodii dhaawacay

dhaqaalihiina kala tagay

 

 

dhibtuu qaadku leeyahay

waa kumaankun iyo dhawr

mana wada dhammayn karo

anigoon ku dheeraan

dhawr aan tilmaamee

 

imisuu dhantaaloo

isagoon isdhaadayn

been intuu u kala dhigey

dhisa dabaqyo aan jirin

 

imisuu nin dhumuc wayn

dherer iyo laxaadba leh

Ilaahay dhammaystiray

dhaqashada u diido

maanta dhereran suuqyada

 

imisuu dhallinyaro

ubax laba ku dhololaan

dhabaleexsan mariyoo

marfashyada ku dhuuntoo

dhana laba *******

geesna aan u dhicin weli

 

Imisaa is dhaafoo

Noloshaba ka dhacayoo

Dhaxantiyo dabaylaha

dhawr sano markuu waday

wuxuu maal dhaqaayiyo

ka dhamaystay lacagtii

illeen waa u dhuuntee

dhib yaraan ku yidhi hadal

 

imisuu nin dhaqan wacan

aaminimo ku xeel dheer

dhulka uu lagalayoo

dhabbadii ka leexshoo

dhishay laanta faraqa leh.

 

dhadhamadii horeetaba

dabin uu u dhigayoo

dheef mooday geedkoo

ka dhergoo intuu cunay

dhakafaar ka qaadoo

dhankii u ka yimi iyo

dhabadii ka weecshoo

cidla kaga dhaqaaqoo

soo dhaafin gaydhkoo

walina dhoof kuu siijira

 

dhibta kalee uu leeyahay

inta reer dhaqnaydee

dhisnayd ee wacnaydee

hadal kala dhex galayee

qaadku kala dhantaalee

dhibayee wax yeelee

intuu kala dhaqaajee

sabarayt ka kala dhigay

dhawr kun way ka badan tahay.

 

hadaan dhuggano meel kale

dhibta taa kasii wayn

inta laga dhaqaaqee

furriin loo dhameeyee

lagu nacay dhallaankaa

cadadkoodu dhumayoo

dhanna haysan maantoo

dhaygagoodu badan yahay

dhulka way ka buuxaan

rabi dhawra mooyee

dhawaaq way ka quusteen

 

dhibta qaadkuu leeyahay

anigoon ku dheeraan

dhawr aan tilmaamee

dhirtan ruuxa daaqaa

marka uu kusoo dhaco

ee uu dhiibto lacagta

dhufsashada horeetaba

farxadbaa ku dheehanoo

waa uu dhabaabeceyaa

dhankalena ma egee

dhab wuxuu u adaa

halkii uu ku dhilan lahaa

kuna soo dhamayn laa

 

waa dhul loogu talo galay

waa hoygii dhibaatada

oo gogol lasii dhigay

 

dhinacay isi saaraan

maskax lagama dheefee

muranbaa dhex yaaloo

dhawaaqoodu waa xoog

dhib kalaa se dacal taal

dhawrkii daqiiqaba

waysasoo dhimaayoo

ninka xiga dhankiisuu

ku dhurayaa warkiisii

ka kalena dhagaysiga

dhaguhuu u weelayn

 

dhehe iyo dhegeystaa

isu dhiibta sheekoo

war is dhaafsankaraye

 

waxa la isku dhuro oo

laysu kala dhagays taba

dhan kastaba ha noqotee

marka ay dhamaystaan

ee faraha laga dhigo

fekerbaa ku soo dhaca.

 

siduu dheeman haystoo

ama dhaqaale xoog badan

wax uu dhisaa fooq

iyo dabaqyo dhaadheer

dhulka siduu ka taliyuu

marba dhinac u guuraa

 

dhabo wuxuu ka jeexdaa

dherer iyo ballaadhba leh

bustaan buu dhex joogaa

 

dhirto midhaha bixisoo

muha uu dhexyaaliyo

 

dhaldhalaalka beenta

kaga dheregyey daymada

hadba dhinac u sii raac

hurda kala dhaqaaqoo

wuxuu dheelmadaa

goor ay saq dhexe tahay

 

dhankanuu u seexdaa

dhanka kale ku eega

marba dhinac u jeestaa

dhibsadaa ka toosaa

riyo lagu dhar dhaaraa

qarow uu u dheeryahay

 

isagoo dhibtaa qaba

eedaan lagu dhuftaayoo

waagu soo dhalaalaa

madhagaysto taasoo

 

ma dhugtaan dareemuhu

waxkalaa ku dheehane

 

goor lakala dhaqaaquu

isagoo dhan dheero leh

dhibsanaya hadalkaba

qaadirana u dheertahay

halkii uu ku dheelmaday

uu ka sii dhaqaaqaa

 

beentuu dhisaayaa

dhab ukala cadaatoo

runta la isma dhaafshee

dhalanteed ka noqotoo

dhibtiisuu dareemaa

 

geedku waa dhibadan yee

alla ha ina dhaafshee

aamin mar wada dhaha

 

waageed na dhaawacay

bulshadiina dhalan rogay

dibna waa ka noo dhigay

dhaqankaan lahayn iyo

xishoodkana na dhaafshee

kartideeni dhumiyee

 

alla ha ina dhaafshee

waa geed dhibadano

dhaqtaradu ka doodaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this