Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shaqsiga madaxweyne Xasan uu u magacaabayo agaasimaha madaxtooyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu magacaabo agaasimaha madaxtooyada marka uu maanta oo Isniin ah si rasmi ah xafiiska ula waraago, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xilkan ayaa la filayaa in loo magacaabo Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay Senator u ahaa, balse aan dib loo soo dooran kadib markii uu ka mid noqday xubnaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu u diiday inay mar kale is-sharxaan. 

Xuseen Sheekh Maxamuud oo kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle, ayaa ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Magacaabista Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay dejiso xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii la doortay aan laheyn nidaam rasmi ah, maadaama uusan cidna xil u magacaabin.

Magacaabistan ayaa sidoo kale dhabbaha u xaari doonto bilowda dhismada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayada oo ay xigi doonaan xilal kale oo dhowr ah, oo uu ugu weyn yahay xilka ra’iisul wasaaraha cusub.

The post Xog: Shaqsiga madaxweyne Xasan uu u magacaabayo agaasimaha madaxtooyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this