Sign in to follow this  
SayidSomal

Three Great Somali Poet and Excerpts from Thier Poems

Recommended Posts

1. Cismaan Yuusuf Keenadiid (1895-1972) : Wuxuu ahaa abwaan fikrad dheer. Filosoofi xikmad badan oo ka dhaqan duwanaa dhamaan abwaanada Soomaaliyeed. Marxalado nololeed ee kala duwan ayuu la kulmey. Cismaan Yuusuf, sida badan wuxuu ka hadli jiray dhaqan-wareega ku socday umadda Soomaaliyeed. Wuxuu difaaci jiray hiddihii wanaagsanaa ee soo-jireenka ahaa oo Soomaalida u dhaqanka ahaa. Islamarkaa wuxuu dadka ku wacyi gelin jiray in ay ummad ahaan isu ururiyaan. Cismaan wuxuu si buuxda uga gaabsaday gabeyada godobta ah ee qabiilka ku saleysan. Wuxuu ka fogaadey suugaanta beelaha lagu weerarayo ama lagu difaacayo. Aragtida uu xambaarsanaa ee ahayd mid ummadeed, waxaa tilmaamaya gabeyadii uu bulshada kula hadli jiray. Arintaas ayuu ku muteystay, xarumaha dhaqamada ee caalamka, in looga aqoonsado Aabihii Dhaqanka Soomaaliyeed (Father of Somali Culture). Suugaantii uu bulshada kula hadlayay sanadihii 1950-aadkii, waxaa kamid ah tixahan :

 

War Soomaali leyntiyo fitnada amase leystaanta

Laqdabada ku wada saabsan iyo lahanka uurkooda

Iyo Lillaahi gaabidu wixii lumiyay weeyaane

Iyagaa Libaaxyo isu noqon oo is laariyiye

Midba inuu walaalkiis legduu leebyada u tumane

In laftood jabeysiyo ma oga le'ashadoodaase

Shisheeyaha lalabayaa dadkii qaarki leexsadaye

Liicsade nasaaradu intey loodin karayeene

Liiradiyo shilinkaa ka ridey lun iyo haadaane

Haddey Liiggu suu yiri maqlaan luri ma gaarteene

Laqantooyo iyo daallinimo libin ma moodeene

Luqmad ay cunaan iyo arlada lacag ma siisteene

Uma laleymeen ceeb intey luqunta saartaane

Laxaad uma noqdeen gaaladii nagu lidka ahayde

Madaalyada xunoo laga lulluli lib uma qaateene

Share this post


Link to post
Share on other sites

2. Cabdullaahi Suldaan (1920 – 1973) : Abwaanka oo ku magac-dheer Tima-cadde, ayaa wuxuu kamid yahay abwaanada caan baxay ee tusaalaha waawayn uga tegey umadda. Wuxuu kamid yahay abwaanada suugaanta ku difaacay qarannimada bulshada Soomaaliyeed iyo madax-bannaanideeda. Isku si ayuu u tilmaamaya cadwga dibadda ee weerarka ku ah jiritaankooda, iyo aragtiyaalka guracan ee umadda bur-bur ku keenaya. Isagu wuxuu ahaa ninkii ka gabyey calankii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee loo taago madax-bannaani gobol Soomaaliyeed. Gabeygaas oo bulshada dhexdeeda ku caan baxay, wuxuu ahaa (Kana siib kana saar). Gabeyada abwaanka, waxaa kamid ah maanso uu Soomaalida kala hadlayay qadiyadda foosha xun ee qabyaaladda. Goor hore ayuu tilmaamay shiddada ay leedahay iyo nafac la'aanteeda. Waxaa tixaha gabeygaas kamid ah :

 

Dadkan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saarey

Wixii horey u soo daashadey degashaneysaaye

Doc haddey u wada jeedsatoo dhowrto danaheeda

Oo duul walaala ah tahoo duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene weys dabar-jareysaane

Duba madaxa weys kala dhacdaan daayin ebidkiine

Goortey is wada dooxataa daad u soo geliye

Ubadkiini waad daadiseen waadna dubateene

Dubaaxdiisi waataad cunteen duhur dharaartiiye

Dariiq toosan Soomaaliyay waa lagaa dedaye

Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela'e

Nin ka dudey dastuurkiyo waxyiga diinti ka carowye

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Share this post


Link to post
Share on other sites

3. Maxamad Ibraahin Warsame (Wuxuu dhashay sanadkii 1943-kii) : Abwaanku wuxuu ku magac-dheeryahay Hadraawi. Waa aqoonyahan ku caan baxay waddaninimo iyo Soomaali-jacayl. Suugaanyahan calanka u qaadey far-shaxanka af-soomaaliga. Abwaanku wuxuu ku soo caan baxay hal-abuuro uu curiyay bilowgii sanadihii 1970-aadkii. Waxaa xilligaas soo kordhayay baraarugga ummadeed ee xagga siyaasadda. Maansooyinka abwaanku uu xilligaas hal-abuurey, inta badan waxay astaan u ahaayeen caashaq. Laakiin waa ay dahsoonaayeen oo waxay ahaayeen kuwo mucaarid ku ahaa dowladdii kacaanka. Isla markaas wuxuu ku baraarujinayay dad-waynaha. Arimahaas ayuu abwaanku sanado xabsiga ugu jiray. Gabeygiisii Dur-dur ayaanu tixo ka soo qaadaneynaa :

 

Ma ogtahay ninkii doora baa hadalku deeqaaye

Ma ogtahay sur-suur daaban baa dabinku yaalaaye

Ma ogtahay dalluun baa ka qodan doox horteena ahe

Ma ogtahay xadhkaha daadsan aan lana dareemeynin

Ma ogtahay inaad door heshaan lagula dooneynin

Ma ogtahay mid kula doodayoo kuu dan laa jira'e

Ma ogtahay shisheeyuhu nin dagan waa kuwii dila'e

Ma ogtahay digtoonaan la'aan dacar inaad leefi

Share this post


Link to post
Share on other sites

What had happened to poem/somali literary appreciations society? mise afki ba lumay?

 

if that is the case - who are resident translators?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this