Sign in to follow this  
AYOUB

laguma waaree qabriga, nuur hakuu galo e (Xasan Sh.Muumin)

Recommended Posts

AYOUB   

Quus waa gabay duco iyo sagootis iskugu jira oo Marxuum Xasan Sh.Muumin munaasibada Aaskiisa ku beegan Jan-26-2008 : kana hadlaya qiimaha uu Abwaanku umada soomaaliyeed ku dhex lahaa iyo sida loogu boholyoobi doono suugaantiisii qaniga ahayd.

Wuxu yidhi

Qabribaa la geeyey naftii, qaadan laadahaye

Qalinbaa murtida sii qorqori, amase sii qeexi

Ama qalad'la'aan loo qorshayn, oo lawada quudi

Ama qoran haween qiimaheed ,qadaf la'aan sheegi

Ama qaranka soomaaliyeed, calanka loo qaadi

Ama diinta qiimaha lihiyo, qaayo lagu sheegi

Ama dibida beeraha qodiyo, qoodi lagu beeri

Ama qaylo dhaantiyo ergadu, erayo sii qaybi

Ama qaaci cuudkiyo la tumi heelo qalabaysan

Ama qiiro taariikh la qoray, ubadka loo sheegi

Ama hooyo qaydkii ilmaha, dhinicu qaylaamey

Hal-abuur qiyaastii u tumi, qaafadiyo luuqda

Nimaan quus ahayn baa sugiyo, qaafiloo kale e

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

 

Sida geed quwaaxoo guntiyo, baarku qolafaystey

Qarnigii la joogaba ninbaa ,qaayo loo taga e

Maantana abwaan qiimaleh, ayaa qaw ka sii dhacaye

Qalalaase mooyee dadkii way qabdhamayaane

Qorshohoodiibaa lumay qorfaha waakuwaa galaye

Qaadanwaa ayaa nagu dhacay ,waa qisiyo yaabe

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin)

Suugaanta qaayaha lahayd ,ee la wada quudo

Murti qaniya qaamuus la qoray ,oo qam lagu siiyey

Qurubaa ka hadhay faaraxow ,sida qiyaastiiye

Qarkii kale qabuurbay gashiyo ,ciid qabow badane

Qaxii ugu darnaa baa ku dhacay, qoomamiyo hooge

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Qanjiidhada intaa sii hadhaan ,qeexi tamartey e

Qaynuunka suugaanta iyo, qalinka loo qaato

Deelqaafka sugaan gashaa ,qiimaheed dhacaye

Qushigeeda baa dilay ,murtidii qarada weynayde

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

 

Iga qabo markay gaadhay ee, heeso lagu qaaday

Ee qoobciyaar ay gashaan ,quustey caliyowe

Ragii sida quraan ruugi jiray ,way qawadayaane

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin)

Qamarkeedii wuu fuuraraa ,oo qalwuu galaye

Hayeeshee wixii kaa qaldamay ,waa la qariyaaye

Ninka gabayga qooqiisu helay, aanse qalad eegin

Qarnigani aan joogniyo wakhtigu ,haw qaw tiriyeene

Maxay qaylo dhaantari qabriga, qawlad lagu oodye

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

 

Inkastuu dadwada qayliyey, qaaradaha joogi

Qaxwahaagu goortii uu go'o ,qaadirkaa garane

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin)

Qawlkii Alleen kuu akhriyey ,qooqarkiyo qoortu

Wali way qadhqadhayaan sidaan, qoyey cir,roobaade

Qadaadkay maroorsamay qalbigu qawshaduu wadaye

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Qoyskii intii kaa hadhiyo, anigan quus jooga

Qaraabada wixii sheegta iyo, ruux qareen socoda

Iyo qowmka soo wada kacee, qaaradaha jooga

Qudradiisa Eebaa hayoon, cidi ku qoolayne

Inuu qayb janada kaa dejay ,quudarayn waliye

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Anaguna qaneecaad Alliyo, samirka qaybtiisa

Inuu quud Ilaah nooga dhigo ,quusashaa tidhiye

Qormadii farshaxankiyo hidaha, qarada loo yeelay

Ee qaadir uu kugu galaday ,way qalootamiye

Qanci maayo bay tidhi walee ,quusna kaba dheere

Sideen ugu qarsheegaa ,taladan qaadi kariwaaye???

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

 

Dugsiyada quraankiyo cilmiga,qowlka laga doonto

Sheekooyinkaagi qudhii baratey waw quuse

Dhalaankii qisay raadiyaan qaranjab weeyaane

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin

Ninjacaly la qoolaabay wuxuu ,qariyey soo tuurye

Qufac iyo jacayl lama qarshoo, qayrkibuu helaye

Markuu qalanjadii uu jeclaa ,qiro wanaageeda

Isha qalacsigeediyo ,markuu quudo arageeda

Waa inuu qufaa hadalka, uu qabax ka siiyaaye

Waa inuu qaraamida yidhaa erayo qaarkoode

Sida qaanso robeed haduu ,qorin amaanteeda

Qushuuc waa ka xaraan inuu, qadaw la aadaaye

Isagana qaleelbaa ku dhacay, wuu qandhanayaaye

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin)

 

Qarankani gumaysigu qoqobay ,ee midiba qaw joogo

Anoon qolana sheegayn hadana qawdu wada gaadhay

Ee magaca qaarkii ka tagay qaybta yari raacday

Iyo kuwa ragii qiilka waday ,qoorta laga gooyey

Haween qaawisbaa dhacay axmaar qooqaybaa yimide

Qadoodiga dhalaankii qabriga ,lala duljoogaaye

Intii kale qaxootey tageen ,qawlad lagu oodye

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin)

Qoyskii intii kaa hadhiyo, anigan quus jooga

Qaraabada wixii sheegta iyo, ruux qareen socoda

Iyo qowmka soo wada kacee, qaaradaha jooga

Qudradiisa Eebaa hayoon, cidi ku qoolayne

Inuu qayb janada kaa dejay ,quudarayn waliye

Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin)

Abwaan: Mohamoud Abdilahi Roble

salac.com

saylacnews@yahoo.com

Last Updated ( Jan 31, 2008 at 12:14 AM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ayoub: waa gabay qiime leh oo dhaxal gal ah.

 

Halkaan maanso ayaa kasoo qabtey oo uu tiriyey abwaan Lagjar uu u tiriyey ALaha u naxariistee Abwaan Xassan Sh. Muumin.

 

 

Dhahar: Abwaan Xassan Shiikh Muumin wuxuu ka mid ahaa abwaanadii waaweynaa oo ka qeyb qaatey qoristii afsoomaliga sida; Abwaan Siciid Saalax Axmed, Abwaan Cabdulle Raage, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc, Prof. Abwaan Axmed Nuur Aw-Yuusuf, Abwaan Cismaan Aadan Askari, iyo kuwa kaloo badan… Abwaan Xassan Sheekh Muumin oo ah Abwaan Qaran alaha u naxiistee ayaa wuxuu ku geeriyoodey tobaadkan dalka Norway.

 

Abwaanka alaha u naxariistee ayaa wuxuu ahaa aqoonyahan ka mid ah macalimiintii dalka Soomaaliya ilaa iyo heerka Jaamacada, wuxuu kaloo macalin ka ahaa kooxda Iftin. Abwaanka ayaa ahaa nin ay umada Soomaaliyeed jecleyd shaqsiyadiisa iyo wadanimada muga weyn uu caanka ku haa.

 

Lama soo koobi karo heesaha iyo ruwaayadaha abwaanka alaha u naxariistee uu uga tegey umada Soomaaliyeed iyo xikmada ay huwanaayeen, kuwaasoo ahaa kuwo dhaxal gal ah. Hadii aan kasoo qaato waxyar oo aan waligood duugoobin, jiilka maantana ay ku hadal qabtsadaan suugaanta, tixda iyo tiraabka, macnaha iyo miisaan ay huwanaayeen ayaa waxaa ka mid ah:

 

Ruwaayadii: Shabeel naagood

Ruwaayadii: Caku naag madow, cidlaa ka roon

Heestii caan baxdey ee ahayd

“Waxaan nahay waadiga dugsiyada” Maxamed Mooge Liibaan

 

“Maskaxdii dunidoo malaasan, muujadaheeda” Xassan Aadan

 

“Haye Fudud” Axmed Cali Cigaal iyo Hiba Nuura

 

Waxaa maanta aan la xiriirey Abwaan, Suugaanyahan ka mid ah Suugaanyahanada Soomaaliyeed: Cabdulaahi Lagjar oo halkaan tacsi tiiraanya leh uga diraaya ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Abwaan Xassan Shiikh Muumin. Wuxuu kaloo Abwaan Cabdulaahi Lagjar u hibeynayaa Abwaan Xassan Shiikh Muumin Maanso hal ku dhigeedu yahay Dhisme Culus. Sidaan ayay ku bilaabatey:

 

Markii geesi dhimashadu

Dharaartiisa noqetee

Halgamaa la dhigo iil

Runta lama dhasiigee

Suugaanta dhummucda leh

Abwaan dhaabadeeyoo

Dhaxal reebay weeyaan

 

 

Af-Soomaali dhaladkii

Dhihistiyo qoraalkii

Dhulka hooyo ka hirgalay

Dharaartii la qorayee

Afka lagu dhawaaqaa

Nin waliba dhankiisii

Dhiiri-galin abuuroo

Abwaanadii dhexjoogiyo

Aqoonyahanki dhiidhiyey

 

 

Alif la kor dhabey

Alif la hoos dhabey

Waw lagu dheeb

Markii uu SICIID dhahay (Abwaan Siciid Saalax)

Xassan Muumin dhinicii

Isna macalin dhirin-dhiri

 

 

Mid kalena bal dheehoo

Bulshada ka dhaadhicin

Wuxuu dhihitin sii yiri

Qalinkaaga ii dhiib

Erayada aan kuu dhigee

Maba aad dhug-dhugatide (a, e, i, o, u: AA, EE, II, OO, UU)

 

 

Waa hadal dhameysoo

Lagu dhaafay jahligoo

Loo dhega nuglaadayee

Baal dahab halagu dhigo

 

Midna waxaad ku dhaqantaa

Kugu dhiiri galiyayee

Dhisme culus ku magacaw

Ama laami dhaadheer

 

 

Abwaan Xassan Shiikh Muumuin: Alaha u naxariisto

 

 

Waxaa diyaariyey

Saalax Nuur Saalax (Doonyaale)

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Koora-Tuunshe:

Abwaan Xassan Shiikh Muumin wuxuu ka mid ahaa abwaanadii waaweynaa oo ka qeyb qaatey qoristii afsoomaliga ...

He will also be remembered as a freedom figher, teacher, broadcaster, poet, playright, researcher, historian, activist, fund-raiser, etc etc

 

 

A tribute to Hassan Sheikh Mumin

By: Bashir Goth

Taariikhda qarada weyn,

Afkeenii ka qatanaa.

Qaayaha u leeyahay,

Dunida ka qarsoonaa.

Qorraxbaa u soo baxdoo,

Mugdigii ku qoofalnaa,

Daahii ka qaaddee.

Qumaati uga bogoo

Afkii qalaad ha moodin

Carrabku qaldi maayee

Sidii caanaa qudhqudhiya

 

- - - - - - - - - -

 

Maamulka hoygan, (hoygasuugaanta.com)wuxuu halkan tacsi uga diraynaa eheladii, asxaabtii, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedba, geeridii ku timi Abwaan Xasan Sh Muumin. Eebbe ha u naxariisto. Aamiin, Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Geeri'eey xishoodlaay

Xejiyaay fogeeyaay

Xaasha'e aftahannimo

Hadii uu xabaal galay

Xeel-dheereheedii

Abwaankii xiddigin jiray

Murtidii xag loo dayo

Xulashada ahayd iyo

Xarragada higaadii

Ayaa xarafkii hoos dhebi?

..........Gaarriye

 

"In Africa, When an old man dies, it is like a library burning to the ground" - Leopold Senghor

 

 

Xasan Sh. Mumin (AUN) was one great library.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this