Sign in to follow this  
Kulmiye

Samsam- and folktale (somali version)

Recommended Posts

Kulmiye   

Kulmye:

 

Dayaxeey Iftiineey

Hido Xishoodey

Cirku waa daruuro

Nin socod ka-muuqdiyo

Mid sulub ku seexdaba

Dumar lagama mar-mee

Salaantu ma ceeba?

 

Samsam:

Rabi baa I unto

Waxan ahay walalow

Mid- shafeecda Islamnimo

Siidi Nebigu sheegiyo

Salaantu waa igu waajibe

Armu inta hadalku dhaafa?

 

Kulmiye:

Walaley wax-garadey

Naftu waa amaano

Calaf laga ma dhuunte

Armu keenu damac-yahay

 

Samsam:

Waqti waa sabool oo

Socod wax laguma dhameeye

Maad hadal I deeqsin

 

Kulmiye:

Anigu waxan ahay mid

U qushucay asluubtiyo

Xilkan galab-cadceediyo

dusha -baraf la moodaba

hadaba Samsameey walaley

waxba yaan ku jeedine

hadba intad wax-garad ahayd

Jaceyl ilinkaa ma-soo maray?

 

Samsam:

caashaqu balo iyo kheyr

midkuu doono hay bado

kuu bogey inanyahow

sidee bilis xishootaa

runta uga badheedhaa

sida ruuxa beer nugul

baahi dhab u noqota

jaceyl ugu barisaa

haduu yahey bar kuma taal

cawa dhumuc ma-sibeen

 

Kulmiye:

dhulkoo meel barwaaqa ah

oon laheyn bad iyo wabi

dhirtu ay ku badan tahey

beryo laydhsi loo tago

buurta gacan libaax

ku yaal beydka raaxada

makusoo baraayoo

bariba ma isu raacnaa

xiisuhu ma ba'ayee

hadaad bixi adoon bogan

jaceyl be nabadee

makusii balamiyaa

 

Samsam: (laughs)

Damac iyo xarirow

Dayixii Togdheerow

Kii sahanka daaqiyo

Kii ubad-kisa waxsiyaba

Horta nin-wax

garadle hadal lagama diidaba

adana aan ku balamiyee

numberkaga ii dhib.

 

Kulmiye:

Samsamey

Numbarku ha-inoo danbeeyo

Biyahan kama-go aye

Maad-hadal I deeqsin?

 

Samsam:

Mahadsanid walalow

Ana hadalka wax kamo qabo

Hase- xiligan badh-joogiyo

armu Odaygu didsha?

 

Kulmiye:

Gacan-kooban walashi

Waa sida iyo goorkale

Hadu Ebo adshiyo

Dee sida iyo nabadey

 

 

 

by:abdul AKA Kulmiye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kulmiye   

it was meant to be a poetry- like they do in Majajil and somali films, you have a brother and sister chattin on poetry language.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this