Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow xarunta sida weyn loo ilaaliyo ee uu ka hawlgalo Madaxweynaha Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax ka ogow xarunta sida weyn loo ilaaliyo ee uu ka hawlgalo Madaxweynaha Ukraine

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky

Weriyayaal ka tirsan BBC ayaa fursad u helay inay gudaha u galaan xarunta uu ka hawlgalo Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ee hoggaaminaya iska caabinta uu dalkiisa uga hortagayo duullaanka Ruushka.

Xarunta ayaa ah mid si weyn loo ilaaliyo, waxaana ku xeeran silig adag, miinooyin iyo askar ku hubaysan qoryo casri ah.

Xukuumadda Moscow ayaa doonaysa inay ka takhalusto Zelensky, dowladda uu hogaaminaya ay ku bedasho mid iyada taabacsan. Hase yeeshee 50 maalmood kadib, caalamka ayaa ka yaabban iska caabinta ay muujiyeen ciidamada Ukraine.

Weriyayaasha BBC ayaa hubin adag lagu sameeyay iyaga iyo qalabka ay wateen. Kadib waxaa loo oggolaaday inay gudaha u galaan xarunta oo dhowrkii mitir ba ay taallay jig gooyo ay dhufaysyo difaac ah kaga jireen askarta ilaalada Madaxweynaha.

Kaaliyaha Madaxweyne Zelensky ayaa weriyayaasha geeyay qol albaabka ay uga qoran tahay “Qolka La Socodka Xaaladda”. Waa qol ay ka buuxaan shaashado ballaaran, kuraas casri ah, iyo miis dheer.

Daqiiqado kadib, waxaa u soo galay Madaxweyne Zelensky oo ay la socdaan laba askari.

Salaan kooban kadib, mid kamid ah gacan-yarayaashiisa ayaa u dhiibay telefoon loogu soo diray farriin ka timid Faransiiska. “Ma Emmanuel [Madaxweynaha Faransiiska] ayaa soo diray? ayuu Madaxweynaha weydiiyay gacan-yaraha. “Haa,” ayu uku jawaabay.

“Markasta waan wada xiriirnaa, si joogta ah ayuuna ii soo wacaa,” ayuu Madaxweynaha u sheegay kooxda weriyayaasha BBC. “Iga raali noqda aan si degdeg ah u Waco hadda,” ayuu yiri Zelensky.

Muddada saacada ka badan ee ay weriyayaasha la joogeen Madaxweynaha Ukraine, waxaa jirtay mar uu aad u qiirooday, gaar ahaan marka uu uga warramay waxa uu ku soo arkay magaalada Bucha ee 25 KM waqooyi galbeed uga beegan caasimadda Kyiv.

Ciidamada Ruushka ayaa todobaadyo haystay magaaladaas, markii ay ka baxeen na, waxaa lagu arkay xabbaal wadareed ay ka buuxaan dad la laayay iyo meydad jidadka daadsan.

Weriye Clive Myrie oo waraysiga la yeeshay Madaxweynaha ayaa weydiiyay inuu rumaysan yahay in hogaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, uu yahay dembiile dagaal. Zelensky ayaa ku jawaabay in cid kasta oo xiriir la leh milateriga waddankaas, iyo mas’uuliyiintiisa rayidka ah ay dhammaantood yihiin dembiilayaal dagaal.

Madaxweyne Zelensky iyo Weriye Clive Myrie
Madaxweyne Zelensky iyo Weriye Clive Myrie

“Marka la eego waxa dhacay, suuragal ma tahay in aad miiska wada xaajoodka la fariisato dadkaas oo aan nabad kala hadasho?” ayuu weriye Clive Myrie weydiiyay Madaxweynaha.

“Fursaddaas waa mid hadda sii yaraanaysa,” ayu uku jawaabay, waxaana uu sabab uga dhigay gabood fallada ka dhacay Bucha iyo Borodyansk.

Zelensky oo markii hore lagu bartay majaajillada ayaa hadda u muuqda nin u babac dhigay duullaanka Ruushka.

“Waxa uu u muuqday nin maskaxda ka daalay, aadna uga xun dhibaatada lagu hayo shacabkiisa. Waa nin hogaamintiisa ay taariikhda xusi doonto,” ayuu yiri weriye Clive Myrie.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this