Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Rasaas laga maqlay jeelka Hargeysa iyo weriyeyaal la xiray

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16498526645817483.jpg?resize=720%

Rasaas ayaa maanta laga maqlay gudaha jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, kadib markii sida la sheegay ay gadoodeen qeyb ka mid ah maxaabiista hallaas ku xiran.

Ciidamada Booliska, Asluubta, RRU-da iyo Milateiga Somaliland ayaa gaaray jeelka oo ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, waxayna xireen wadooyinka soo gala jeelka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiista gadootay ay yihiin kuwo u xirnaa falal argagixiso, uuna jiro khasaare soo gaaray maxaabiista iyo ciidmada kala duwan ee Somaliland.

Balse ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo maamulka Somaliland ka soo saaray rasaasta laga maqlay jeelka weyn ee Hargeysa iyo khasaaraha ka dhashay.

PhotoCollage_20220413_151356276.jpg?resi

Dhanka kale maamulka Somaliland ayaa xiray ilaa 6 wariye oo warar ka tabiyay rasaasta jeelka, kuwaas oo kala ah Xasan Galeydh, Maxamed Ilig, Axmed Maxamuud Yuusuf, Sagal Mustafe, Naciima Cabdi Axmed iyo Axmed Samraawi.

PUNTLAND POST

The post Somaliland: Rasaas laga maqlay jeelka Hargeysa iyo weriyeyaal la xiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this