Sign in to follow this  
Deeq A.

Caqabadaha iyo Fursadaha Horyaal Guddoomiyaha Cusub ee Degmadda Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   
Qore.jpg?resize=640%2C640&ssl=1Mohamud Isse Yusuf

HORDHAC

Qardho waa magaalo ku taal Bariga Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Puntland kana tirsan gobolka Karkaar (Gobolka Karkaar waa gobol Puntland samaysay oo aan ka mid ahayn gobollodii hore ee 1991-dii kahor jiray). waa magaalo Taariikhiya oo soo jirtay muddo dheer.
Qardho waxay caan ku tahay cimilo-deggan, noocyada kala duwan ee xoolaha (Ari, lo, Geel,
Fardo iyo Ugaar) nabad, dullo qurxoon xilliga roobka iyo dhul-daaqsin aad u ballaaran, waa
magaalo aad loogu tixgeliyo dhanka, aqoonta iyo siyaasada. Waa magaalo dihin una baahan
hoggaamiye leh aragti dheer, khibrad, aqoon iyo karti.

Inkastoo 10-kii sano ee u dambeeyey ay samaysay horumar dhanka dhismayaasha iyo
ganacsiga ah, waxaase ragaadiyey dib-u-dhac dhanka adeegga bulshada sida waxbarashada, biyaha, bilicda, nadaafada, faya-dhowrka iyo horumarinta bulshada oo ah shaqooyinka ugu muhiimsan ee loo igmaday dowladda hoose.

DOORASHADII GOLAHAA DEGANKA PUNTLAND.

Qardho waxay nasiib u yeelatay in ay ka mid noqoto 3-dii degmo ee ugu horeeyey oo doorasho furan (qof iyo cod) ka dhacdo Puntland muddo ka badan 53 sano, waxaa kaararka codadka qaatay dad gaaraya 16,722 oo qof, waxaase codka si saxa u dhiibtay 15,343 oo qof, waxaana ku tartamay 7 urur siyaasadeed.

Inkastoo doorashadu ay si fiican u dhacday, dadkuna muujiyeen bisayl iyo rabitaan, haddana ururradii ku tartamayey intooda badan ma ay soo sharrixin dad u qalma in ay hoggaamiyaan magaalada xilligaan; wadar dhan 160 qof ayey ururradu u soo sharraxeen in ay u tartamaan
golaha degaanka Qardho, waxay ahaayeen dhallinyaro leh han siyaasadeed, se aan lahayn waayo-aragnimo iyo bisayl siyaasadeed oo ay reer Qardhood ku hoggaamiyaan xilligaan, waayo waxay u badnaayeen dhallinyaro dhawaan kasoo baxay Jaamacaddaha iyo weliba kuwo hadda dhigta.

Haddaba, doorashii qabsoontay 25 th October 2021, waxaa kusoo baxay 33 xildhibaan oo dhallinyaro u badan, waxaana hoggaanka u qabtay ururrada mucaaradka oo isbahaysi samaytay, saasna ula wareegay hoggaanka golaha degaanka.

Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 11 th April 2022 ayaa waxaa si rasmi ah Guddoomiyaha degmadda Qardho 5-ta sano ee soo socota loogu doortay Mudane Cabdulqaadir Siciid Cabdirahmaan (Qaal), waa nin dhalinyaro ah, bartay cilmiga dhaqaalaha, af-gaaban, Guri Dhaqan kasoo jeeda, masuul ah ku cusub saaxada siyaasada Puntland kana soo baxay urur mucaarada.

Haddaba, waxaan maqaalkaan kaga hadlaayaa caqabadaha horyaala guddoomiyaha cusub,
fursadaha uu haysto uga dambayna waxaan siinaayaa talooyin kooban.

CAQABADAHA HORYAALLA GUDDOOMIYAHA CUSUB.

  1. Khibrad yari: walow uu yahay aqoonyahan bartay Cilmiga Dhaqaalaha, ku barbaaray oo
    wax ku bartay, ka soo shaqeeyey magaalada Qardho, isla-markaana ka soo jeeda Guri
    Dhaqan, haddana waxaa hubaal ah in uusan lahayn waayo-aragnimo siyaasadeed oo uu ku
    hoggaamiye magaaladaan faca-weyn, xarun u ah siyaasiyiin kala aragti duwan, dhaqan kala
    irdhoobay, culimo kala aragti ah, dhallinyaro kala qoqoban iyo bulsho aan horumar u bislayn.
    Waxaan kula talin lahaa in uu sameeyo tashiyo badan, la kulmo guddoomiyayaashii hore ee
    Qardho, aqoon-yahanka, dhaqanka, dhallinyarada, haweenka iyo siyaasiyiinta magaalada.
  2. Dhaqaale xumo: Magaalada Qardho ma aysan laha ilo dhaqaale oo ku fulan, dadka deggan maagaaladani ma jecla in ay canshuurta bixiyaan. Waxaan kula talin laha in uu ka fekero ilo dhaqaale oo cusub (new source of income) iyo sidduu u dardargelin lahaa bixinta canshuurta, si uu u helo dhaqaale uu dadka ugu adeego waa in uu hanto kalsoonida dadweynaha, isla jeerkaana beddelo hab-fekerka bulshda ee ku aaddan bixinta canshuuraha.
  3. Isku-haynta golaha degaanka: Guddoomiyuhu wuxuu hoggaamin doonaa gole deggaan oo kala aragti duwan, kana soo baxay ururrada isku haya siyaasadda Puntland – waana caqabad aan horay u jiri-jirin, wuxuu u baahan yahay xeelad iyo diyaar garow si uu uga foggaado khilaaf iyo dib-u-dhac rikaateeya socodsiinta hawlaha dowladda. Qardho waxay ahayd magaalo aan golaheeda degaanka looga baran khilaaf iyo dagaal.
  4. La-shaqaynta Dowladda Dhexe: Guddoomiye Mudane Cabdulqaadir Siciid Cabdirahmaan
    wuxuu kasoo baxay urur mucaarada oo ay aad isu hayaan xukuumadda Puntland, kumana
    qanci karto dowladdu in ay la shaqayso shaqsi ku lebisan summadda iyo aragtida ururka
    Mideeye. Horay ayey xubno ka mida dowlada oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Gobolka
    Karkaar, Mudane Cabdi Siciid Cismaan u sheegeen in aysan la shaqayn doonin haddii
    magaalada uu urur mucaarada ku guuleysto. Wuxuu u baahan yahay in uu ka fekero sidii uu
    saaxiibbo cusub uga samaysan lahaa dowladda Puntland iyo sidii uu isugu wadi lahaa aragtida ururkiisa iyo danaha dowladda.
  5. Ragga hanka hoggaamineed leh: Way adagtahay in aad wada-shaqaysaan qof aad isku han tihiin una socda jagada aad hayso, waxayse u baahan tahay xeelaysi, isfahan, dulqaad, feejignaan, go’aan iyo tanaasul. Dr. Xuseen Muuse Nuux oo bulshada Qardho iyo xubnaha gollaha deeggaanka taageero badan ka haysta iyo Mudane Maxamed Buraale Cabdi-Seed oo Dowladda taageero ka haysta, horay xilkaan u hayey kana tirsan xisbiga dawlada ayaa golaha u dhex fadhiya. Raggaan waa saaxiibbaday, waxaana hubaa in aysan ku qancayn keliya xubin gole deggaan, wayna abaabuli karaan dagaal markasta.

Haddaba, Guddoomiyuhu raggaan ma la heshiin doonaa? Ma sifo sharci ah ayuu golaha uga saari doonaa? Ma iyagaa iska casili doona xubinnimada golaha degaanka? Ma ka tanaasuli doonaan hankooda? Mise dagaalkooda ayuu sugi doonaa? Waa hal xiraale u baahan in la
furo!.

  1. Nadiifinta magaalada: Waxay ahayd caqabad soo jireen ah (inherited problem) oo aan weli
    guul laga gaarin. Cabdi Siciid Cismaan ayaa ogaal kayga markii ugu horreysay ku wajeejiyey
    shirkad gaar loo leeyahay nadaafadda magaalada, dadaal badan oo ay samaysay shirkadani, misana kama guul gaarin, welina luuq kasta oo magaalada ah waxaa dhooban qashin, Waa xujo hortaal guddoomiyaha cusub in uu wax ka qabto nadaafadda magaalada.

Naadafada iyo fayo-dhowrku waa shaqooyinka asaaska ah ee dowladaha hoose loo igmaday, waa shaqo ay fududdahay in xal loo helo haddii laga tashado qorshena laga yeesho. Bal aynu aragno 5 sano ka dib in Guddoomiyaha maanta la doortay waxa uu ka qabto nadaafada magaalada.

  1. Bulshada: Guusha hoggaamiye walba waxay ku xiran tahay ilbaxnimada, diyaargarowga,
    aqoonta iyo heerka wacyi ee dadka uu hoggaaminaayo. Guddoomiyaha cusub wuxuu
    hoggaamin doonaa bulsho aan weli u diyaar garoobin horumar, bulsho aqoontu ku yartahay
    oo saboola, ma gaari karo guul haddii uusan wax ka beddelin hab-fekerka iyo aragtida
    bulshada. Reer Qardhood waxay u baahan yihiin jihayn iyo wada-tashi.
  2. Khilaafka dhulka: Khilaafka dhulku waa dood iyo shaqo subax walba taal xafiiska
    dawladda hoose, waa dhib ka dhashay markii dhulkii gacanta u galay dad shicib ah, isla-
    markaana uu ganacsi noqday, waa shaqo ay ka macaashaan shaqaalaha dawladda hoose,
    dullaallo, dhul-boobayaal ah iyo mulkiilayaasha dhulka. Waxaan kula talinaayaa
    Guddoomiyaha cusub in uu masuuliyad iska saaro khilaafka dhulka, shaqadana u igmado dad daacada oo bulshada si xaqa ugu garsoora.
  3. Suggidda Amniga: Waa mid ka mida caqabada ugu waa waweyn ee haysta guddoomiye degmo kasta oo ku taal Puntland. Guddoomiyuhu wuxuu xubin ka yahay guddiga amniga ee Gobolka, laakiin ma aha masuulka hay’adaha amniga, taasna waxay keentaa in uusan shaqo ahaan door badan ku yeelan suggida amniga balse waa masuuliyad laga rabo.

FURSADAHA

  1. Rabitaan bulsho: Guddoomiyaha iyo golaha degaanku waa kuwii ugu horreeyey oo
    bulshadu soo doorato muddo 53 sano ka badan; tani waxay ka dhigan tahay in ay haystaan
    kalsooni iyo taageero bulsho. Intaas waxaa dheer, guddoomiyuhu wuxuu kasoo baxay urur taageero badan Qardho ku haysta.
  2. Han-sare: Sidaan ku bartay xilligii aan macallinka u ahaa Mudane Cabdulqaadir Siciid
    Cabdirahmaan waa shaqsi han leh, dadwadasho leh, daacad ah, jecelna in uu arko Qardho oo
    horumartay.
  3. Xaaladda: Aqoonyahanno badan ayaa aaminsan in xaaladdu tahay tan kala saarta hoggaamiyayaasha. Xaaladda ayaa hoggaamiyaha ka dhigta mid guuleysata iyo mid guuldarraysta.

Guddoomiyuhu wuxuu kusoo beegmay xilli Qardho u baahan tahay hoggaamiye han leh, hoggaamiye burji leh, hoggaamiye jiheeya bulshada kuna haga
waddada baraaraha, waa xaalad uu ka faa’iidaysan karo hoggaamiyaha hiraalka iyo hiigsigaleh.

  1. Magaalo deggan: Qardho waa magaalo deggan oo aan buuq badan oo dowli ah ka jirin, bulsho iska shaqaysata oo aan aad ugu mashquulin arrimaha dawladda hoose.
  2. Fahanka bulshada iyo degaanka: Mudane Cabdulqaadir Siciid Cabdirahmaan waa nin reer
    Qardhood ah oo aad u yaqaan dadka ku nool Qardho iyo degaanka ku hareeraysanba. Waa
    macallin muddo bulshada ku dhexjirey, waa guddoomiye hore ee ardayda Jaamacadda Bariga Afrika Qardho waana xubin ka mid ah dhallinyarada firfircoon ee magaalada Qardho.
  3. Mashruuca horumarinta degmooyinka (JPLG): Qardho waxay ka mid tahay
    degmooyinka Puntland ee ka faa’iidaysta mashruuca horumarinta degmooyinka, waa fursad aysan haysan degmooyin badan oo Puntland ku yaal. Mashruucaan wuxuu qayb ka qaataay horumarinta adeegyada asaasiga ah sida: waddooyinka, waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.

TALO-SOOJEEDIN.

  1. Waxqabad kooban oo miisaan leh: Waxaan usoo jeedin lahaa guddomiyaha cusub in uu
    qabto shaqooyin kooban laakiin ku hara quluubta iyo maskaxda bulshada Qardho ku nool.
  2. Dib-u-habaynta shaqaalaha dawladda hoose: 9-bilood ayaan kasoo shaqeeyey dawladda
    hoose ee Qardho, waxaan aamin sanahay in shaqaalaha hadda jooga xafiisyada dawladda
    hoose la jaan-qaadi karin wacyiga hadda jira qaybtoodna ayba hawl-gab yihiin, waana dood
    qof walba igu raacayo in shaqaalaha dawladda hoose u baahan yihiin in dib-u-eegis lagu
    sameeyo. Waa talo aan muhiim u arko in guddoomiyuhu qorshayaasha ugu horreeya ku darsado dib-u-habaynta shaqaalaha.
  3. Bilicda Magaalada (Dhiraynta): Tani waxay ka mid ahayd balanqaadyadii guddoomiyaha
    cusub xilligii uu ololaha ku jirey, waana shaqo fudud oo muhiima, anna aan kula talinayo in
    guddoomiyuhu xoogga saaro.
  4. Isku-xirka bulshada (self-help groups): Waa arrin aan u arko muhiim in bulshada la isku
    xiro si ay isu caawiyaan, dadka reer Qardho waa dad saboola aan shaqayn laakiin is jece waxay u baahan yihiin in ay helaan madalo ay ku xiriiraan si ay iskaga warqabaan isuna
    kaashadaan.
  5. Bedelidda guddoonka xaafadaha magaalada: Waxaan kula talinaayaa guddoomiyuhu in
    uu beddelo dhamaan guddoomiyayaasha xaafadaha, waa dad muddo shaqaynaayey, musuq
    badan oo aan aragti lahayn.
  6. Sare-u-qaadida wacyiga iyo hanka bulshada: Horumar ma imaan karo haddii aan la
    beddelin aragtida iyo fekerka bulshada, haddii aan la jihayn bulshada, oo aan hadaf la tusin.

Bal isweydii sababta qofka laamiga meheradda ku leh oo habeenkii markuu weelkiisa dhaqdo
hortiisa biyaha wasakhda ah ku shubaaya (laamiga ka horreeya)? Bal isweydii sababta qofku intuu gurigiisa qashinka kasoo qaado ugu daadinaayo laamiga? Waxaan oo dhan waxay u baahan yihiin in la beddelo fekerka iyo hanka bulshada.

GABA-GABO.

Waxaan u qoray qormadaan kooban in aan u iftiimiyo guddoomiyaha cusub caqabadaha iyo
fursadaha horyaal. Waxaan sidoo kale u soo jeediyey talooyin aan isleeyahay way anfici doonaan
guddoomiyaha cusub.

Qore: Mohamud Isse Yusuf.
mciise01@gmail.com

The post Caqabadaha iyo Fursadaha Horyaal Guddoomiyaha Cusub ee Degmadda Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this