Deeq A. Posted March 27, 2022 (SLT-Garoowe)-Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa aroortii hore ee saaka weerar culus ku qaadaysaldhigg ay Ciidammada Puntland ku leeyihiin Deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari. Sida wararku sheegayaan, Al-Shabaab ayaa marka hore tiro madaafiic ah ku garaacday saldhigga, iyadoo ay xigtay dagaal toos ah oo la isu adeegsaday hub culus iyo mid fudud, iyadoo la soo sheegayo inuu weerarkan ka dhashay khasaare u badan dhinacyada dagaalamayay. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen Qiiq iyo Holac gudaha xerada ah, iyadoo kooxda Shabaab oo weerarka sheegatay ay tilmaamtay in xerada ay la wareegeen oo ay iyagu dab qabadsiiyeen. Ma jiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Puntland oo ku aadan weerarka lagu qaaday saldhigga Af-Urur, Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan hore u weerartay saldhigga Ciidammada ee Af-Urur, weeraradaas oo geystay khasaarayaal kala duwan. Source Share this post Link to post Share on other sites