Sign in to follow this  
Deeq A.

Biden oo booqasho ku tagay saldhigga ciidamada Maraykanka ee xadka Poland iyo Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   
Biden.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 President Joe Biden

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bogaadiyay jawaabta Poland ay ka bixisay dhibaatada qaxootiga ee ka dhalatay duullaanka Ruushka ee Ukraine, xilli uu booqasho ku tagay Poland Jimcihii.

Mareykanka ayaa sheegay in Ruushku uu u muuqday inuu ka weeciyay weerarkii militari ee uu ka waday caasimadda Ukraine ee Kyiv oo uu u jiheystay dhanka bari.

Biden ayaa jimcihii la kulmay shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimada ee Poland iyo ciidamada Maraykanka meel u dhow xadka Ukraine.

Saraakiisha Maraykanka iyo kuwa reer galbeedka ayaa sheegay Jimcihii in inkasta oo ay tiro badan yihiin ciidamada Ruushku ay haddana ku adkaatay sii wadista dagaalka Ukraine, taas oo keentay isbeddel istiraatiiji ah.

PUNTLAND POST

The post Biden oo booqasho ku tagay saldhigga ciidamada Maraykanka ee xadka Poland iyo Ukraine appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this