Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dhamaystiraysa doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday saddexda degmo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shaaciyay in maalmaha soo socda la fariisinayo golayaasha degaanka saddexdii degmo ee doorashada qof iyo cod laga qabtay.

Wasiir Dhabancad oo hadal ka jeediyay xarunta cilmi-baarista PDRC Garoowe ayaa sheegay in hadda la xalliyay caqabado yar yar oo dib u dhigay dhammaystirka doorashadii saddexda degmo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in doorashadii saddexda degmo ee qof iyo cod ay ahayd mid qurux badan oo si hufan u qabsoontay kadib markii dowladdu u madax-bannaysay guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dhamaystiraysa doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday saddexda degmo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this