Sign in to follow this  
AYOUB

Tollow ha lay dhoofsho - Maxamed Kaahin Feedhoole

Recommended Posts

AYOUB   

Gabaygan waxa tiriyey Maxamed Kaahin Feedhoole. Maxamed waxa uu ahaa nin reer baadiye ah, xoolo miyina Ilaahay gacanta u galiyay, magic iyo mansabna ku leh bulshada uu ku dhex noolaa. Maalinbaa Maxamed oo sahan ah ayaa wuxuu ku soo baxay reer balaadhan oo meel yaal ku soo baydh si uu u martiyo caawa. Maxamed hadduu qadar isha la raacay efar xero xoolaad ah oo laba geel yihiin labana adhi yihiin ayuu haddana daymada hoos u soo rogay ishiisu qabatay caano xoolaad oo sida daadka durduraaya dhulka. hore u soo dhaaf, kadib markii uu reerkii haybsaday ayyuu gartay inuu reerku yahay reer uu hore u soo maray mar uu geel la aroor ahaa. se laakiin waxa caawa u muuqda wax ka gedisan wixii uu reerka hore ugu yiqiinay.

 

Markii ugu danbaysay Maxamed reerka xoolo yaraan ayuu ku ogaa balse caawa waa buuxaa Maxamed wuxuu waydiiyay ninkii reerka dambaabay sida is bedelkanu ku dhacay. kadib waxa loo sheegayaa in xoolahan cadan laga soo tabcay.

 

Maxamed sheekooyin uu hor uga hayay cadan iyo tan caawa oo isu kaashsday ayaa ku dhaliyay hami dhoof. kadib sooguryo noqoshadiisii ayuu cismaan iibiniyaa afar neef oo geel ah. kadbna u baqoolayaa xagaa iyo tawaahi (cadan mag. ka mida) Hadduu mudo magaaladii tawaahi uu Maxamed joogay ayuu la qabsanwaayayaa camal uu qabtana waayayaa ilayn shaqo xoolaad maahee wx kale ma yaqaane. in mudo ah Maxamed markuu ku dib jir ahaa magaaladii aadna u dhibaatooday ayuu habeen imanayaa gaaf ay soomaaliyi lahayd. kadibna tixda ayuu sii daynayaa. Gabaygan wuxuu tiriyey muddo lagu qiyaasay intii u dhexaysay 1960 – 1970.

 

 

Tollow ha lay dhoofsho

 

Tixda gabay Maxamadow beryahan, waanigaan tirine,

indhowaydba waataan ka tegay, ta’iyo wowgeede.

Ma tilmaamin maansooyinkaan teeb garayn jiraye.

Xaluun baan tawilay goor dhexay, tahay alaylkiiye.

Markuu uumiyuhu wada tarquday,tamani lay keenye.

Tuu alifka oo dhacay hurdada taw ka soo idhiye.

Waxaan tebayo mooyee qalbigu, taam i noqon waaye.

 

Tusaalaha aduun iyo walaac, laygu soo tuurye.

Togdheer iyo Banaaniyo anoo, Tuban ka heesaaya.

Taarloonayaal iyo anoo, taagsinaw jooga.

Tuludaha Walaaceed anoo, taraw ku maalaya.

Anigoo tusmada reerkayaga talada goynaaya,

taashkiyo garoomaha anoo, laygu wada tiirshay.

Ayuunbaa durbaan la ii tumay, taarna ii yimide.

Dabadeed tallaabiyo orod, taw ku soo idhiye.

Tamuumkii ku imid meel jinoon, lays tamadiyeyne.

 

Tawaahida waxaan lahaa fuluus, tuulan baad heliye.

Tabtanaan ku arkay iyo caynkanay , tahay ma moodayne.

Waxaa tuban kun tamar laawe oon, tacabba eegayne.

Talaatiin gu qaar joogay baan, toob u xaasiline.

Tanna xoogsi kama soo taraan, taana laga waaye.

Taf la jiidiyo bay hayaan, tookha dibadeede.

Tays malaha taaloogiyo, tima la xiiraaye.

 

Anigana tabtoodii haddaan, tacalimaayaaye.

Kol haddaanan teeb iyo waraaq, taybal dhiganaynin.

Turjubaan afkiisii haddaan, uga tiraabaynin.

Kol haddaanan Faaltuug, iyo Turugsi raacaynin.

Marse haddii tabtan yahay raggii, teedhi saban joogay.

tuugso maahee xoogsi aan, tan uga jeedaaye.

 

Tacliin aabbahay wuxuu i baray, Tooyo soo godole.

Tiska oodiyo baan aqiin, tirada xoolaaye.

Intii aan tuludaha jaan wad waday, Rag iga tooreeye.

Waxba gabaygu yuu ila tafine, waxaan ku taalleeyey.

Mugga waa tagahayaa haddaan, taabo nooliga’e.

Tabantaabo gacal baan rabaaye, tollow ha lay dhoofsho.

 

Maxamed Kaahin Feedhoole

 

Gabaygan waxa ku deeqay: Maxamad Cali Ibrahim

 

http://www.aftahan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AYOUB_SHEIKH:

Waxaa tuban kun tamar laawe oon, tacabba eegayne.

Talaatiin gu qaar joogay baan, toob u xaasiline.

Tanna xoogsi kama soo taraan, taana laga waaye.

Taf la jiidiyo bay hayaan, tookha dibadeede.

Tays malaha taaloogiyo, tima la xiiraaye.

Thanks AYOUB_SHEIKH.

War ninku ma Yurub buu tagay? Waxaad mooddaa inuu iyada ka sheekayno! And yes, it's a clasic with every sense of the word. His descriptions are fitting to this generation just as they were then. He was indeed a true nomad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this