Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin :Weriye ka socda Hayadaha Warbaahinta Reer Galbeedka oo ka soo waramay  jiidda hore ee dagaalka u dhaxeeya ciidamada Ukraine iyo Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Weriye ka socda Hayadaha Warbaahinta Reer Galbeedka oo ka soo waramay  jiidda hore ee dagaalka u dhaxeeya ciidamada Ukraine iyo Ruushka

 

Magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine, Kharkiv, waxay bartilmaameed joogto ah u ahayd weerarka ruushka muddo saddex isbuuc ah. Wariyaha BBC-da Quentin Sommerville iyo Darren Conway oo kaamirada sida ayaa kasoo warramaya furinta hore ee dagaalka ay ciidamada Ukraine kula dagaallamayaan militeriga Ruushka.

Waxaan guri kasoo galnay meeshii u ahaan jirtay albaabka dambe. Hadda, buste kaliya ayaa ka laadlaada meesha ay dambeysa barafka ah ka socoto.

Dadkii dagganaa halkan, oo mar hore baxay, waxay meeshan ku lahaayeen daaqad ay ka daawadaan beer aad qani u ah oo ku taalla waqooyiga magaalada Kharkiv, balse imika badankeed lama aqoonsan karo xitaa.

Qaybta garaashka gawaarida iyo qalabka ciyaaraha waxay ku burburreen madaafiicda ay soo ridayeen qaar ka mid ah taangiyada ugu casrisan ee dunida laga isticmaalo. Darjiinka hore waxaa afgambi u yaalla meydka askari Ruush ah.

Gurigan wuxuu saldhig u noqday ciidanka ka dagaallamaya furinta hore, waxyaabaha halkan lagu arkayana waxay muujinayaan in militeriga Ukraine ay u dagaallamayaan naftooda – dagaal ay ku difaacayaan xornimada Ukraine.

Waxaa si dhif ah naloogu oggolaaday in aan u tagno militeriga Ukraine, oo muddo saddex isbuuc ah ku jiray dagaal kharaar, walina lagu dhaqaajin la’yahay duleedka magaalada Kharkiv, iyagoo hor taagan ciidamada Ruushka ee isku dayaya in ay qabsadaan magaalada labaad ee ugu wayn Ukraine.

“Wali ma waxaad rabtaan inaad horay sii aaddaan?” ayuu na weydiiyay Yuri, oo ah taliye ka tirsan Guutada 22-aad ee militeriga Ukraine, isagoo farta ku fiiqaya meel ay yaallaan burburka labo gaari oo kuwa gaashaaman ah oo ay lahaayeen ciidanka Ruushka. Sidoo kale waxaa ka muuqday haraadiga labo taangi oo kuwooda ah. Guutadan waxaa la aasaasay 2014-kii kaddib markii Ruushka uu qabsaday Crimea uuna taageeray fallaagada Donbas.

“Waxay adeegsadeen dromes, diyaarado, helikobtarrada dagaalka, wax walba,” ayuu yidhi Yuru, xilli ay madaafiicda Ruushka u dhawaaqayeen sida gugaca, iyagoo lagu garaacayo waddooyinka iyo guryaha noo dhow.

Residential neighbourhood where grad rockets
Wax ka kaddib markii ay gantaallo ay militeriga Ruushka soo tuureen ku dhaceen meelo la daggan yahay

Ciidanka Ruushka ayaa sii wada weerarrada ay soo qaadayaan, marar badan ayaaba dib loo baacsaday. Iyagoo ka xanaaqsan in loo diiday soo galidda meeshaas ayay maalin iyo habeenka bambooyin la dhacayaan magaalada, oo mar hoy u ahayd 1.4 milyan oo qof.

Dhulka waa wada dhiiqo, oo kabaha way ku dhagayaan ciidda qoyan. Gadaal marka aan jalleecno waxaan arkaynaa firirka madfac ku dhacay guryaha aan markaas soo dhaafnay. Yurub waxay taariikh hore u lahayd in xaafadaha beeraha ku yaallaan laga dhigto goobo dagaal.

“Saddexdii maalmood ee ugu horreysay ayaa ugu darnaa. Waxaa da’ayay roob, dhiiqo ayaa na dabooshay, waxaan u ekaannay sida doofaarka,” ayuu yidhi Olexander, oo ak askari 44 jir ah oo agteyda taagan.

Ragga halkan jooga waxay kuu sheegi karaan xogta saxda ah iyo goorta ay imaadeen furinta hore – dhibaatadii ka dhacday halkan saddexdii maalmood ee ugu horreysay haddii aadan ku sugneyn markaas, waxba kama taqaanid dagaalka dhabta ah.

“Godka dhufeyska ah ku bood haddii ay madaafiic kale soo dhacaan,” ayuu yidhi Uri.

Constantine, oo 58 jir ah waxa uu ahaan jiray duuliye ka tirsan ciidamada cirka ee Ukriane ka hor inta uusan howlgab noqonin oo uusan isu baddalin wariye. Hadda waxa uu dib ugu soo laabtay jiidda hore ee dagaalka, isagoo lugta ka dhutinaya kuna taagsanaya usha laga bixiyay iskoobaha.

Firirka madaafiicda Ruushka ayaa lugta ka dhaawacay, balse wuu diiday inuu ka tago jiidda hore.

“Kani waa difaaca ugu dambeeya ee magaalada, haddii ay halkan soo dhaafaan, waxay galayaan Kharkiv. Waddadan waxay isku xireysaa Ruushka ilaa bartamaha magaalada,” ayuu yidhi.

Olexander
Olexander, oo 44 jir ah, wuxuu kasoo dagaallamay Donbas – “Saddexdii maalmood ee ugu horreysay waan fahmi weynay waxa socday”

Annagoo meesha gabbaadka ah ku jirna, ayuu noo yimid askari dheer oo aan waji garaneyno, koofiyaddiisa madaxana ay ku dhaggan tahay sharooto buluug ah. Wuxuu noo sheegay in aan hoos u gabbanno.

Roman waa 34 jir, balse wuxuu nagula kaftamay in da;diisu ay ahayd 24 sano markii uu dagaalka billaabanayay saddex isbuuc ka hor.

Wuxuu noo sheegay in ciidanka Ruushka ay hadda dhuumanayaan oo aysan bannaanka usoo bixi karin. “Waa digaag. Waxaan siineynaa jawaab fiican oo sax ah.”

Wuu joojiyay hadalka wuxuuna codsaday inuu sawir ila galo. Goor dambe waxaan ogaannay in uu dhawaan gaarigiisa ku qaaday meydadka saaxiibbadiis oo uu ka daabulay furinta hore, isagoo geeyay xarunta meydadka lagu keydiyo ee magaalada.

Tirada rasmiga ah ee dadka rayidka ah ee ku dhintay Kharkiv waxay 16-kii March mareysay 234 qof oo ay ku jiraan 14 carruur ah.

Gantaallada Ruushka ayaa magaalada ugu soo dhacayay sida roob da’aya. Askarta nala joogta way gabbadeen wax dhibaato ahna ma gaadhin.

Svitlana, resident of Kharkiv
Svitlana. oo 72 jir ah, iyo ninkeeda waxay habeenkii labo saacadood seexdaan gurigooda ay bambooyinka burburiyeen

Isla guriga aan joogno waxaa ku nool nin iyo xaaskiisa. Svitlana iyo Sasha. Svitlana oo 72 jir ah waxay nagu soo dhaweysay gurigeeda, iyadoo noo sheegtay in aysan cidna la hadlin muddo dhowr isbuuc ah. “Waan ku faraxsan nahay inaad imaateen,” ayay tidhi.

Dhismahooda horayba way ugu dhaceen madaafiicda, daaqadaha dambeyna way burbureen.

Wali waxaa magaalada Kharkiv ku nool boqollaal kun oo qof, inkastoo ay madaafiicdu ku socdaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this