Sign in to follow this  
IL CAPO

ANIGA IYO JACEYLKEYGA.

Recommended Posts

IL CAPO   

Danbi aanan gelin iyo

Dulmi aanan muteysan

Dadkeygoo laiga dhexsaaroo

Sida dugaagtii laii daawado

Dariiqaan maraba in laigu dacaayadeeyo

Diiftaan iga muuqatoon la tabar daranahay

Ma ahan dilka loo geystay

Nafteydan daacada u ah

Adiga iyo allihii dunida keenay oo kaliya

Adigey naftu u ildarantahayoo

Inta dumar dunida dul joogta

Adigaan kaa doortayoo

Dookheygu ku raacay

Dibnahaa kuu danqanayoo

La dildilaacay xummad ii kaa heysa darteed

Dabeylahaan udan sheegtaa iyo

Gogashaan dul seexdo habeenkii

Xiddigahaan la dar daarmaa

Dayaxa iyo daruurahaan

farriin dabacsan kuugu soo diraa

Inaan daacad kuu ahaan saani ugu dareeriyaa

Waan kuu dan sheegtaye deyrada iga daa

Dunida inaan sii joogaa weli damac iiga jiraa ‘e

Daryeel ii lahaaw oo deg deg haii dilin

Nabsigu waa daranyahoo daqar kulul yahay

yaan dahabooy darteey dulmi kuu qabsan

iga daa bahdilkiyo dullinimada aad ila dooneyso

miyaadan dareensaneyn inaan

dunidaba adiga kuugu jeclahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
IL CAPO   

Sidii baadi inaan ahay baan

Suuqyada kaligey dhex wareegaa

Sidii ruux falan oo kale baan

Harkeyga la doodaa

Sidii Boodhari oo kale

Baan cidlada weheshadaa

Jaceyl been ah baad igu sumeysoo

Allaheey igusoo salliday

Oo saqda dhexe habeenkii

Saani uma gam’i karoo

Sariirtaan ku dul galaangashaa

Xanuun dartii la sara kacaa

Saldhig wuxuu ku leeyahay

Saableyda feerahoo idil

Sanbabada iyo wadnaha

Dhammaan unugyada dhiiga sida

Kuwada foofay jirkeygoo idil

Nafta yari iyo ifka inaad igu cadaabto

Saxariir imarisoo mowdka iisoo dedejiso

Suubane Allah baa wax kaa oranaya

 

How many will listen to the truth and the pain that I am going through when I tell them, I wonder.

Share this post


Link to post
Share on other sites
IL CAPO   

Inaan geeriyoodoo godka

Aakhiro iyo iilka lai geeyo

In golayaasha laaiga maadeystoo

Gayaankey sheekadeyda ku haasaawaan

Gacaladeydiina beeniso kalgaceylkaan uqabo

Go'aansatay iney igu eegato dhaawacan ba'an

Yaan udan sheegtaa oo ii gargooya?

Yaan irgo ugu dirsadaa gacalisadeydii

Iyo gabartaan ifkaba iyada u dul joogay

Yaan aaminaa oo gaarsiiya dar daarankeyga

Yaa aadaya Garissa iyo gurigooda oon

Garabka usuraa farriinteydan

Eedna ka gaabsada illeyn waa gacaladeydiye

Oo yaan geerideyda ka dib la goyn

Denbina laga gelin ileyn waa taan

U guureyn jiray saqda dhexe habeenkiiye

Hadey manta go'aan satay iney ideyrisoo

Gebi ahaanba igooysoo geerida igu eegato

Oo guri aanan laheyn ka noqoto marwo

Alleylehe inaan go'aa baa taa ii dhaanta

Illeyn geeridu waa xaq 'e.

Share this post


Link to post
Share on other sites
IL CAPO   

Dadku inaan Jin qabay imoodaan

mid dulloobayoo derbi jiif ah inaan

noqday bey kulligood igu wada sheegaan

maskaxdeydu iney degenaan is daayeen

bey dadkeygoo idil maanta iiheystaan

diin bey ii akhriyaan iyo ducadii Allah

dariskeygu aragtideydeey ku wada diimaan

dulmi iyo been bey dariiqa la wada maraan

balse inaan daraadaa dib jir unoqdayoo

duunyo iyo danteydiiba useegay

dadku iney ogaadaan baan diidanahayoo

dartey in laguu dacaayadeeyaa aheyn

miduu damiirkeygu u dul qaadan karo

adiguna iima dadaashidee

dacaraad sandulle iigu daldashay

duur cidlo ah iyo dugaagtaad

iiga dareertayoo igu daawatay

in dakhar lai gaarsiiyoo

dhiigeyga la daadshaad

dadkaaga iigusoo dirtay

balse denbi kaama aan gelinee

maxaad igu dileysaa oo

nolosha iigu diideysaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this