Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada gobollada waqooyi oo maanta la soo gabagabeeyey + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland), taas oo lagu qabtay xarunta Dugsiga Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Saddexdii kursi ee ugu dambeysay xubnaha gobollada waqooyi ayaa maanta lagu doortay caasimada, waxayna kala yihiin:-

1-Marwo Samsam Muxumed Cumar oo ku guuleysatay kursiga HOP#243.

2-Maxamed Ibraahim Cabdi oo ku guuleystay HOP#206.

3-Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ku guuleysray kursiga Hop#259.

Dhamman xubnahan ayaa ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii ay u tanaasuleen musharixiintii la tartami lahaa.

Tani ayaa ka dhigan in guddiga SIET ee Somaliland uu dhaqan-geliyey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in doorashada lasoo gabagabeeyo, ka hor 25-ka Febraayo.

Dhinaca kale maamul goboleedyada qaar ayaa weli caqabado ay ka taagan yihiin, kuwaas oo la hardamaya kuraasta deegaan doorashada labaad, waxayna u muuqaataa in waqti dheeri ah ay ku darsan doonaan xilligii lagu balamay in lagu soo gabagabeeyo doorashada.

Soomaaliya waxaa marar badan dib u dhacay jadwallada lasoo saaray doorashooyinka, taas oo keentay inay dib usii dhacday doorashada muddo ka badan hal sano.

274260330_281726097336128_42075384627568274097056_281742580667813_63115635225816274346057_281771117331626_19197326730081273972293_281726160669455_10579730607460

The post Doorashada gobollada waqooyi oo maanta la soo gabagabeeyey + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this