Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Fahad Yaasiin oo la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimada

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa shahaadada musharaxnimada guddoon Fahad Yaasiin oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#086.

Fahad oo hadda ku magacaaban la-taliyaha amniga Qaranka ayaa galabta gaaray magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo berri ay ka dhaceyso doorashada lix kursi.

“Gudiga Maamulka  Doorashada Dowlada HIRSHABELLE (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyay dhamaan Murushixiintii  u Tartamaysay kusaastii guddigu shaaciyay taariikhdu markii ay ahayd 15/02/2022,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashada HirShabeelle.

Musharixiinta shahaadada lala gudoonsiiyey Fahad Yaasiin ayaa u kala tartamaya kuraasta kala ah:

HOP#008

HOP#015

HOP#074

HOP#086

HOP#109

HOP#274.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isku dayey inuu kursigaan hor istaago ayaa ku guul dareystay, kadib markii ay ka hor yimaadeen inta badan xubnaha guddiga doorashada heer Federaal.

273689578_151947873885738_64361185308000 273958603_151947807219078_75559281882923 273977636_151947930552399_12314149927552 274058411_151951030552089_27889049941280 274152164_151947860552406_70417859228872 274180976_151947913885734_78323004367315 274195928_151947817219077_74243866046904 274264828_151947770552415_25042243532972 274279106_151947963885729_83687884812255 274289486_151947973885728_77906312565560 Fahad-Yaasiin-1.jpg?resize=696%2C464&ssl

The post Sawirro: Fahad Yaasiin oo la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this