Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay ujeedka safarkiisa Bari iyo arrimo kale

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuqaal: Madaxweyne Deni oo ka hadlay safarkiisa Bari iyo arrimo kale

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in safarkiisa Bari uu la xiriiro kormeerka mashaariic socota iyo arrimo uu tago magaalada Boosaaso oo uusan faahfaahin, balse la aaminsan yahay in ay ka mid tahay xiisadii PSF iyo doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweyne Deni oo dadweynaha reer Qardho kula hadlay bannaanka magaalada oo ay uga hortageen, wuxuu uga mahadceliyey sida ay usoo dhoweeyeen, isagoo ugu baaqay in ay wadajir uga shaqeeyaan nabadda, horumarka iyo dowladdnimada.

Wafdiga Madaxweyne Deni waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, xildhibaanada cusub ee loo doortay Puntland in ay ku metelaan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, goleyaasha kala duwan ee dowladda iyo saraakiil madaxtooyo.

FB_IMG_16452763503034324.jpg?resize=720% FB_IMG_16452763474596841.jpg?resize=720% FB_IMG_16452763538249391.jpg?resize=720% FB_IMG_16452763569824001.jpg?resize=720% FB_IMG_16452763636627692.jpg?resize=720% FB_IMG_16452763752739696.jpg?resize=720% FB_IMG_16452763797092449.jpg?resize=720% FB_IMG_16452763869100172.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ka hadlay ujeedka safarkiisa Bari iyo arrimo kale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this