Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Israa’iil Oo Weeraray Falastiiniyiin Difaacanayey Guryahooda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qudus)-Ciidamada Israa’iil ayaa awood u adeegsaday boqolaal qoysas reer Falastiin ah oo banaanbax ay guryahooda ku difaacanayaan ka dhigaya Jimcihii shalay xaafada Shiikh Jarrah ee magaalada Qudus.

Xaafada Shiikh Jarrah oo saaran bariga magaalada Qudus oo ay ku badan yihiin Falastiiniyiinta ayaa waxaa weerar ku hayey kooxaha Yuhuuda xagjirka ah oo doonaya inay xoog kula wareegaan guryaha ay leeyihiin Falastiiniyiinta iyagoo gacan ka helaya ciidamada Israa’iil.

Qorshaha Yuhuuda doonayaan inay kula wareegaan xaafada Shiikh Jarrah ayaa qeyb ka ah qorshe ballaadhan oo ay kooxaha Yuhuuda xagjirka ah doonayaan inay ku hantaan dhamaan dhulka ku hareeraysan masjidka Al Aqsa.

https://twitter.com/hashtag/SaveSheikhJarrah?src=hashtag_click

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this