Sign in to follow this  
Deeq A.

Cuntooyinka aan Maalin walba isticmaalo Balse khubarada caafimaadka ku talinayaan inaan joogta loo isticmaalin

Recommended Posts

Deeq A.   

Cuntooyinka ay khubarada caafimaadka ku talinayaan inaan joogta loo isticmaalin

Qaar ka mid ah cuntooyinka an caafimaadka qabin

Khubarada takhasuskoodu yahay cuntooyinka waxay sheegayaan noocyada kala duwan ee cuntooyinka oo aan isticmaalno iney isugu jiraan kuwa waxtar aad u weyn noo leh iyo kuwa waxyeello dhanka caafimaadka noo keeni kara.

Waxaana inta badan sameynta caafimaad ee cuntooyinkaasi u geystaan jirkeenna ay ku xiran tahay habka aan u bisleyno, xaddiga aan cuntadaasi ka qaadanno, xilliga aan isticmaalno iyo waxyaabaha kale ee cuntooyinkaasi marka la sameynayo lagu daro.

Waxaana marag ma doonta ah sida ay khubaradu sheegayaan iney jiraan cuntooyin badan oo khatar caafimaad oo aad u weyn aan ka dhaxli karo oo dadkuna iyaga oo aan ogeen ay si joogta ah u isticmalaan.

Haddaba waa kuwee cuntooyinka ay khubaradau ku talinayaan inaan jadwalkeenna cuntada ee maalinlaha ah aan ka saarno:

1. Cuntooyinka Dufanka leh

Addis Alamu oo Jaamacadda Las Vegas ee carriga Mareykanka ka soo bartay cilmiga diyaarinta iyo caafimaadka cunnooyinka wuxuu sheegayaa cuntooyinka uu dufanka ku badan yahay ama hilibka baruurta badan leh iney sababi karaan dufan badan inuu jirkeenna ku keydsamo taasina ay caafimaad darro noo horseeddo.

Haddaba waxaa dhici karta qofka inuu isweyddiiyo cuntooyinka nafaqada ama Barootiinka uu ku badan yahay haddii la badsado maxaa ku jaban?

Khabiirka oo ka jawabaya su’aashaasi wuxuu yiri markasta oo cuntooyinka dufanka uu ku badan yahay aan badsanno waxay sababaan dufanka jirkeenna ku keydsamayo inuu bato, taasina ay jirka u horseedi karto cudurro badan oo dufanka ka yimaaddo sida Riix, Isgooysyada xubnaha oo qofka xanuuno iyo kalliyaha oo shaqadi ay qabanayeen culeys badan uu ku keeno.

Hay’adda caafimaadka adduunkana waxay dajisay qofka caafimaadka qaba maalinti inuu isticmaalo barootiin aan ka badneen 0.83 garaam Tusaale ahaan qofka 40 jirka ah miisaankiisuna uu gaarayo 60 kiilo maalinti waa inuu isticmaalaa Barootiin aan ka badneen 50 garaam waxaana ka sii wanaagsan toddobaadki inuu isticmaalin barootiin aan ka badneen 0.35 garaam

 

Waxayna Khubaradu ku talinayaan si marwalba aan caafimaadkeenna ula soconno caafimaad darrana aan uga sii gaashaamanno iney lagama maarmaan tahay inaan had iyo jeer aad ula soconnaa xaddiga barootiinka ee aan maalinti qaadanayo.

2. Milixda ama Cusbada

Milix ama Cusbo

Milxda ama Cusabadu caafimaadka jirka waxtar badan ayey u leedahay taa caksigeedana cusbada badan ee jirka gasho waxaa laga dhaxlaa caafimaad darro.

“Cuntada haddii ay cusbo ku jirin qofka wuu dhibsanayaa inuu si wanaagsan uu u qaato carrabkana macaanka cuntada ma daremayo hase yeeshee cusbada badan dhanka caafimaadka laguma ammaanin.” ayuu yiri Barafasoor Yihune Ayele oo Jaamacadda Dillaa wax ka dhiga takhasuskiisana yahay cuntooyinka caafimaadka qaba.

Cusbada waxaa ku jirta maaddada Sodium. Sodium haddii uu jirka ku batana wuxuu keenaa iney biya badan ay galaan xididdada dhiigga wada. Haddii xididda dhiigga wadana biya badan ay galaan waxaa halkaasi ka dhalanaya dhiig kar maadaamaa socodki caafimaadka qabaya ee dhiigga uu sodium jirka ku batay uu khalkhal galinayo.

Dhiig karka dhibaatada uu leeyahay waan ka wada dharagsannahay waxana ka mid ah qofka oo madaxa ama wadnaha dhiig uga murmo, faalug (qofka oo dhinaca qallalo) iyo caafimaad darro soo wajahdo kalliyaha iyo wadnaha.

 

Hay’adda Caafimaadka Addunkana ee WHO waxay sheegeysaa qofka qaangaarka ah inuu maalinti isticmaalo wax aan ka badneen 5 garaam oo cusbo ah.

Bulshooyinka kala duwan cusbada waxay ku daraan cunta kasta oo ay karsadan iyaga oo aan u aaba yeelin xaddiga cusbada ay isticmaalayaan iyo dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta intaba.

Waxayna Khubaradu ku talinayaan inaan aad u yareyno cusabada aan maalinti isticmaalno si cudurrada cusbada ka dhalan lahaa aan uga gaashaamanno.

Cusbada jirka aad ayuu ugu baahan yahay balse waxa laga hadlayo oo ay khubaraduna ka digayaan waxay tahay cusbada badan ee aan cuntooyinka sida joogtada ah ugu karsanno in la yareeyo.

Sambuusa

3. Cuntooyinka Sokorta iyo Macaanka badan uu ku jiro

Sokortu waxay ka mid tahay waxyaabaha daruuriga ah ee bulshooyinka dunida ku nool oo dhan ay isticmalaan walow ay ku kala duwan yihiin xaddiga ay sokortaasi ka isticmalaan. Sokortu sida uu jirka ugu baahan yahay haddana sokorta badan jirka waxay dhaxal siin kartaa cudurro badan oo aan qaarkood dawo buuxda loo helin.

“Markasta oo aan Sokorta badsanno waxaa jirkeenna ku badanaya waxyaabaha tamarta dhaliya, tamarta badan ee jirka gashana caafimaad ahaan uma fiicno maadaamaa jirka inta uu isticmaalo mooyaane wixi ka soo hara ay jirka u horseedayaan caafimaad darro”, ayuu yiri Dr Maasresha Tesema oo ka tirsan machadka cilmi baarista cunnooyinka ee dalka Itoobiya.

Tamarta Sokorta ka dhalata oo jirkeenna ku badata caafimaad darrada ay qofka ku keenayaan waxaa ka mid ah cayil ama miisanka qofka oo kordho. Cayilkana waxaa ka dhasah cudurro badan sida beer subagga, dhig-karka, macaanka, wadna xanuunka, iwm.

Sokortu waxay kulansatay ama ku jira maaddooyinka Glucose iyo Fructose. Haddaba sokorta aan isticmaalno Glucose-ka ku jira wuxuu la fal galaa jirka qaybahiisa kala duwan halka Fructose ay jirka uu ku uruuro caafimaad darrana ay ka dhalato.

 

Cuntooyinka macaanka ama sokorta ay ku badan tahayna waxaa ka mid ah Doolshada, Nacnaca, Ice cream, Sharaabka warshadeysa oo ay sokorta badan ku jirto, sokorta caadiga ah ee shaaha iyo waxyaabaha la midka ah lagu darsado.

Waxayna Khubaradu ku talinayaan caafimaadka jirka iney u wanaagsan yihiin Sokorta laga helo waxyaabaha dabiiciga sida khudaarta iwm.

“Maskaxdeennu tamarta ay ku shaqeyso 60% sokorta ayey ka heshaa balse sokorta caafimaadka u wanaagsan ee loo baahan yahay inaan isticmaalno waa midda dabiiciga ah maadaamaa jirka si wanaagsan ulafalgaleyso caafimaadkeennana ay u wanaagsan tahay.

4. Cuntooyinka warshadeysan

Cuntooyinka warshadeysan noocey doonaanba ha ahaadeene waxay ka khatar aad u weyn ku keenaan caafiamaadka qofka.

Inkasta oo waddamada qaaraddan Afrika intooda badan isticmaalka waxyaabaha warshadeysan uu ku yar yahay caalamka intiisa kale marka loo eego haddana magaalooyinka waxaa marba marka ka sii dambeysa ku soo badanaya isticmaalka cunnooyinkaasi.

Cuntooyinkaasina waxyaabaha ay khubaradu uga deyrinayaan ayaa waxay tahay maadaamaa lagu daro sokor iyo cusbo aad u badan.

.

“Cuntooyinka warshadaha soo mara noocey doonaanba ha ahaadaane waxaan ku talinayaa isticmalkooda iney dadku joojiyaan haddii ay joojin karinna isticmaalkooda ay aad u yareeyaan,” ayuu yiri Dr Qala-Ab oo cunnooyinka ku takhasusay oo wax ka dhiga Jamacadda Addis Ababa.

Waxyaabaha caafimaadka qofka saameeya ee cunnooyinka la warshadeeya ay khubaradu uga digayan waxay tahay in loo isticmaalo waxayaabo aan dabiici ahayn oo lagu midabbeeyo ama lagu carfiyo.

Cunnooyinka ama Sharaabka la warshadeeyo qaarkoodna qofku balwad ayey ku noqonayaan, qofka sheyga balwadda ku noqdana si joogta ah ayuu u isticmalayana waxaana qofkaasi la soo dersi karto cafimaad darro baahsan.

“Gaar ahaanna hilibka digaagga ama hilibka cas ee xoolaha ee la warshadeeyo waxay keenaan cudurka Kaansarka oo aan weli dawo buuxda loo helin caalamkana ku soo badanaya,” ayuu yiri Dr Qala-Ab

5. Cuntooyinka saliidda lagu kariyey

Baradhada saliidda lagu kariyey ee loo yaqaanno Chipsi-ga, Sanbuusaha, Buskudka iwm ee saliidda lagu kariyo iyo isticmaalkoodaba magaalooyinka wey ku soo badanayaan .

Cuntooyinkaasi saliidda lagu kariyo ama lagu dubana waxay sababi karaan ama ay uga sii dari karan caafimaadka jirkeenna. Waxayna khubaradu sheegayan cunnooyinka saliidda lagu kariyo oo Chipsi-ga uu ka midka yahay iney habayaraatee jirka waxba u tareyn.

“Cuntooyinka saliida lagu kariyo sida baradhada ama hilibka la shiilo faa’ido ay jirka gelinayaan malahan oo weliba waxay u horseedayaan caafimaad darro halis badan,” ayuu yiri Dr Masresha.

“Gaar ahaanna saliidda aan nadiifka ahayn oo la soo warashadeeyey maadaamaa aan u isticmaalno khatartooda aad ayey u badan tahay.”

 

Waxayna khubaradu sheegayaan khatarta caafimaadka ee cuntooyinkaasi iney sii badato saliid mar la isticmaalay marki marar badan loo isticmaalo in wax lagu dubo ama lagu karsado.

Cuntooyinka saliidaha lagu kariyo waxay qofka u horseedayaan cayil iyo hilib badan oo fuulo hilibkaasi wuxuu qofka u soo jiidaya caafimaad darro aad u weyn,” ayuu yiri Addis Alam oo cunnooyinka ku takhasusay.

Cuntooyinka sida Bargar, Chips, Digaagga la shiilay, Hilibka cas ee la shiilay iyo cuntooyinka la midka ah inaan si joogta ah loo isticmaalin ayey ku talinayan khubarada cunnooyinka ku takahasusay.

Bargar iyo Chips

Haddaba waa kuwee cuntooyinka wanaagsan ee aan si joogta ah u isticmaali karno?

Khubarada cuntooyinka ku takahsusay waxay isku raacsan yihiin cunta kaligeed gooni u taagan oo waxtar buuxda leh iney jirin balse cuntooyinka caafimaadka qaba ay yihiin dhowr cunto oo la isku daray.

Waxaana cuntooyinkaasi ka mid ah khudaarta noocyadooda kala duwan, lowska, miraha firileyda ah, masaggada iwm oo si joogta ah loo isticmaalo waxtar caafimaad oo aad u weyn ayey leeyihiin.

Hase yeeshee, cuntooyinkaasi waxtarkooda waxay ku xiran tahay habka loo diyaariyo, haddii qofka khudaar uu cuni lahaa uu saliid ku soo shiilo waxtarka caafimaad ee ay khudaartaasi lahaan lahayd ayaa meesha ka baxaya taa beddelkeedana caafimaad darro ayaa ka dhalan karta.

 

“Khudaarta halka saliid lagu shiili lahaa waxaa wanagsan in si wanaagsan loo dhaqo ama la yara diiriyo iyada oo aan saliid la taabsiin balse haddii saliid lagu shiilo waxaa meesha kabaxaya maaddooyinki caafimaadka waxtarka u lahaa ee khudaartaasi ku jiray,” ayuu yiri Addis Alam.

Khubarada caafimaadka iyo kuwa cunnooyinka ku takhasusayna waxay isku raacsan yihiin digirta noocyadooda kala duwan in waxtarkooda caafimaad uu u aad u sarreeyo.

Digir karsan

“Cuntooyinka aan qofka waxba u tareyn caafimaadkana aan u wanaagsaneen waxaa ugu horreeya sida baastada iyo makaroonaha oo dadka magaalooyinka ku nool ay si weyn u isticmaalaan,” ayuu yiri Dr Yihune.

 

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO liiska cuntooyinka caafimaadka u wanaagsaneen ee ay 2020-ki shaacisay waxay ku soo dartay cuntooyinka sida baastada, makaroonaha iyo waxyaabaha kale ee burka ka sameysan oo la warshadeeyey.

Waxayna hay’addu ku talisay cunta kasta oo aan cuneyno inaan khudaarta cagaaran aan la isticmaalno si ay cunnooyinkeenna u noqdaan kuwa isku dheelli tiran.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this