Sign in to follow this  
Deeq A.

Biden Iyo Boqor Salmaan Oo Ka Wadahadlay Kor U Kaca Qiimaha Shidaalka Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa ka wadahadlay kor u kaca qiimaha shidaalka iyo arrimaha Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Iran iyo Yemen, kadib kulan khadka telefoonka ah oo dhexmaray labada hoggaamiye.

“Labada hoggaamiye waxaa ka go’an inay hubiyaan xasiloonida sahayda tamarta dunida” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay Aqalka Cad. Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dalka ugu badan dhoofinta shidaalka ee kooxda OPEC, ayaa ka hadlay ilaalinta dheelitirka iyo xasilloonida suuqyada shidaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Sucuudiga ee SPA.

Boqor Salmaan ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo heshiiska OPEC iyo xulafadeeda oo ay ku jiraan Ruushka, iyo koox loo yaqaan OPEC +, iyadoo toddobaadkii hore, OPEC + ay oggolaatay inay ku adkaysato korodhka dhexdhexaadka ah ee wax soo saarkeeda saliidda.

Qiimaha shidaalka caalamka ayaa kor u kacay 20% sannadkan, waxay u badan tahay inuu dhaafo $100 foosto, sida ay aaminsanyihiin xeel-dheereyaasha.

Sare u kaca qiimaha saliidda ayaa dhib ku ah maamulka Biden ka hor doorashooyinka Congress-ka ee bisha November kaas oo saaxiibadiisa xisbiga Dimuqraadigu ay difaacan doonaan aqlabiyadda aan badneyn ee Senate-ka iyo Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this