Deeq A. Posted February 6, 2022 Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta ka degay magaalada Beledweyne mudoo sanad ah kadib. Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeele, xubno kamid ah goleyaasha Hirshabeelle, maamulka gobolka iyo dadweyne ayaa ku soo dhaweeyey garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, wuxuuna hoolka shirarka gobolka uga qeybgalay munaasabad lagu soo dhoweeynayay. Safarka Cali Guudlaawe ayaa kusoo aaday xilli ay xiisadi ka jirto magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Guudlaawe oo ka degay Beledweyne appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites