Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay iyo Ecowas oo qiimeeynaya xaaladda Burkina Faso

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiil ka socota urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas iyo Qaramada Midoobay ayaa manta oo Isniin ah ku sugnaan doona caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou, si ay u qiimeeyaan xaaladda dalkaasi oo dhowaan ay ka dhaceen afgambi mileter .

Saraakiisha ka socota Ecowas  waa kuwo heer  wasiir ah,halka wafdiga Qaramada Midoobay uu hoggaaminayo madaxa xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Galbeedka Afrika iyo Saaxil, Mahamat Saleh Annadif.

Saraakiisha wadajirka ah ayaa wadahadalo la yeelan doona saraakil uu ka mid yahay Paul-Henri Damiba oo ah hogaamiyaha kooxda miletweriga ee inqilaabtay Burkino Faso.

Shir madaxeedka dalalka ku bohoobay Ecowas ayaa la qorsheeyay maalinimada Khamiista ee soo socota ,si looga tashado waxa laga yeelayo arrimaha dalka Burkino Faso.

Hogaamiyayaasha gobolka ayaa yeeshay kulan deg deg ah Jimcihii halkaas oo ay ku hakiyeen xubinimada dalkaasi.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay iyo Ecowas oo qiimeeynaya xaaladda Burkina Faso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this