Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND Oo Dil Iyo Xabsi Ku Riday 6 Dhallinyaro Ah Oo Ka Tirsan Alshabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Maxkamadda ciidammada ee maamul gobolleedka Puntland, ayaa saaka xukuno dil iyo xabsi isugu jira ku riday dhalinyaro ku eedaysan inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

dhalinyaradaas oo ka kooban lix xubnood ayaa afar ka mid ah lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu riday xukuno xabsi ah. Ragaas waxaa loo heystaa inay dilal iyo qaraxyo ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay ragga kala ah:

1 – Farxaan Faysal Salaad

2 – Cabdullaahi Faysal Xuseen

3 – Barkhad Cawil Xirsi

4 – Liibaan Aaden Muuse

Sidoo kale Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayey Maxkamaddu ku xukuntay 30-sano, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed ay ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this