Sign in to follow this  
Deeq A.

Loolanka cusub ee MASAR iyo TURKEY ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa dhawaanahan wadday dedaallo ay ku xoojinayso xiriir kala dhexeeya Soomaaliya oo sanadihii dambe hooseeyay, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta Bariga Dhexe.

Dabayaaqadii sanadkii 2021, Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka ee Qaahira oo xiriir la leh wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa mas’uuliyiin ka socda wasaaradaha Soomaaliya u qabatay tababar ku aaddan nabadeynta iyo xallinta khilaafaadka.

Shariif Ciise oo ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee Masar, una qaabilsan arrimaha Afrika ayaa tababarka ka sheegay in dalkiisa uu taageerayo “dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dagaalka ay argagixisada kula jirto dowladda Soomaaliya .”

Masar oo sanadihii dambe ka maqnayd saaxadda siyaasadda Soomaaliya ama ugu yaraan uu galaangalkeeda gaabis ahaa – taasoo qeyb ahaan ku timid xiriirka ay la leedahay Isutagga Imaaraadka Carabta iyo xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya – ayaa hadda doonaysa inay xukuumadda Muqdisho ka taageerto dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Bishii August 2021, ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ku tegay Qaahira, waxaana uu kulamo ku aaddan xiriirka labada waddan la yeeshay dhiggiisa Mustafa Madbouly iyo mas’uuliyiin kale. Waa mid ka mid booqashooyinka heerka sare ah ee madaxda dowladda Soomaaliya ay ku tageen dalalka Carabta ee xiriirka uu wanaagsanyahay amaba soo hagaagayo.

Masar ayaa u muuqata in ay qaadayso tallaabooyin muujinaya ifafaalooyin dardar leh oo ay ku jiraan kuwa kalsooni kasbasho ah, waxaana ka mid ah in la kordhisay tirada deeqaha warbarasho ee ay siiso ardayda jaamacadaha ee Soomaaliya, waxaana ay sanadkiiba gaarsiisay 400 oo arday.

Danaha Masar

Masar ayaa doonaysa in ay xiriir dhaw oo dhinacyo badan la yeelato Soomaaliya oo ku taalla aagga istaraatiji ahaan muhiim ugu ah xukuumadda Qaahira, maadaama uu khilaaf kala dhexeeyo Itoobiya oo dhisatay biyo xireen muran dhaliyay.

Cabdiraxaam Aadan Ruush (Xadaana) oo ka faallooda arrimaha Carabta ayaa rumaysan in Masar ay doonayso inay dib boorka uga jafto xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

“Masar waxa ay doonaysaa inay xoojiso xiriirkii qotada dheeraa ee kala dhexeeyay Soomaaliya, si aanay marti uga noqon ama aysan cid kale ugu soo marin danaheeda Geeska Afrika,” ayuu yiri Xadaana.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi ayaa bishii sebtember, 2019-kii magaalada New York isugu geeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo siku dayay in uu heshiis dhex dhigo labada dal oo xiriirkooda uu meel xun marayay xilligaas. Tani waa talaabadii ugu weynayd oo ay Masar usoo qaaddo dhanka Soomaaliya oo illaa heer madaxweyne gaarsiisan, inkasta oo aysan wax badan ka fulin isku daygaasi.

Waxaa jirta aragti ah in Masar ay booska ka riixan rabto Turkiga oo maalgelin dhinacyo badan ku samaysatay Soomaaliya. Masar iyo Turkiga waxa ay isku hayaan arrimo badan oo shaac ah, sida dhacdadii xukunka looga tuuray madaxweynihii la doortay ee Masar Maxamed Mursi, kaas oo kadibna xabsiga ku dhintay, sidoo kale waxa ay labada dal isku hayaan arrimaha dalal ay Liibiya ka mid tahay. Masar waxa ay taageeraysaa Jeneraal Khaliifa Xaftar, halka Turkiga uu taageero dhinac kasta ah la garab istaagay dowladda caalamka aqoonsanyahay ee Tripoli ka jirta.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada tababarka ciidanka, caafimaadka, waxbarashada iyo weliba dhaqaalaha. Wuxuuna noqday dalka taageerada ugu weyn ee tooska ah siiya Soomaaliya, balse lama oga illaa heerka ay taasi damaqday Masar.

Hase yeeshee Showqi Axmed Xayir oo isna ka faallooda arrimaha Carabta ayaa ku doodaya in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu ka adag yahay wax kasta oo aysan Masar si fudud ula wareegi karin kaalinta Ankara.

“Turkiga waa mid dhinac kastaba Masar uga awood badan gudaha Soomaaliya, haddii ay ahaato tababarka ciidamada Soomaaliya iyo dhaqaalaha uu ku bixiyo hay’adaha kala duwan ee dalka. Masar xilligan la joogo ma hayso dhaqaalo ay kula tartami karto Turkiga, gaar ahaan gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri Showqi.

Dowladda Soomaaliya

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa bartanka u gashay xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya dalal galaangal kala duwan ku leh Soomaaliya, sida khilaafkii u dhexeeyay waddamada Carbeed iyo dowladda Khaliijka ku taalla ee Qatar.

Inkastoo ay Soomaaliya shaacisay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafkaas, ayaa haddana waxa ay mucaaradka ku eedeeyeen inay la safatay xukuumadda Dooxa. Sidoo kale dowladihii Carabta ee ay Qatar is hayeen ayaysan u cuntamin go’aankii Soomaaliya.

Falanqeeye Xadaana ayaa rumaysan in dowladda dhalan doonta ay u taallo hawlo adag oo ah isu dheeli tirka danaha is diiddan ee siyaasadaha dibedda oo markii ugu horeysey dusha soo martay xagga muhiimadda.

“Dowladda cusub ee ay yeelan doonto Soomaaliya ayaa looga baahan yahay inay si taxadar leh oo ay ku jirto danta dalka uga baaraandegto siyaasadaha is diiddan ee gobolka iyo caalamka ba,” ayuu yiri Xadaana.

Danaha Caalamiga ah ee Soomaaliya yaala ayaa sii kordhaya markasta oo dowladnimada Soomaaliya ay soo hagaagto, waxaana danahaasi koow ka ah codka ay Soomaaliya ku leedahay ururada caalamiga ah sida Midoowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo xitaa Qaramada Midoobay.

Sidoo kale hawada Soomaaliya ayaa yeelatay muhiimad ka duwan tii hore kadib markii dowladda Soomaaliya ay hawadeeda diidday in ay ka xayirto diyaaradaha Qatar oo xayiraad ay saareen dowladdaha Khaliijka.

Xigasho: BBC

The post Loolanka cusub ee MASAR iyo TURKEY ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this