Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Dagaal casriya oo Maraykanku leeyahay oo ku dhacday Badda Shiinaha+Tartan loogu jiro Raqdeeda & Shiinaha oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarad Dagaal casriya oo Maraykanku leeyahay oo ku dhacday Badda Shiinaha+Tartan loogu jiro Raqdeeda & Shiinaha oo…

Diyaradda dagaalka MAreykanka ee F35-C

Ciidamada badda Mareykanka ayaa wado dadaal ay ku gaarayaan goob ay ku dhacday mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ee ugu casrisan, ka hor inta uu Shiinuhu gaarin halka ay diyaaraddaasi ku dhacday.

Diyaaradda dagaalka ee F35-C oo qiimaheedu yahay $100 malyan oo doolar ayaa ku dhacday Koonfurta Badda Shiinaha kaddib marki ay la kulantay waxay ciidamada badda Mareykanka ku tilmaameen ‘Cillad farsamo oo lama filaan ah’ xilli ay ka duuleysay Markabka diyaaradaha qaada ee USS Carl Vinso.

Diyaaraddan ayaa ah tii ugu casrisaneed ee ay ciidamada badda Mareykanka isticmaalaan, iyada diyaaraddu ay ka sameysan tahay qalab sir ah.

Haddaba ciddii diyaaraddaasi badda ku dhacday ugu hor hesha ayaa noqoneysa mid guuleysata.

Dagaalka looga jiro helitaanka diyaaraddaasi siraha ka dambeeya ayaa ah tan ay dalalku loollanka ugu jiraan.

Toddoba Badmaax ayaa ku dhaawacantay marki ay Isniinti diyaaraddu soo dhacday xilli ay sagxadda Markabka ay ka duuleysay ay dabada ku dhufatay xilli ay ku jirtay dhoollatus militari.

Haddaba diyaaraddi waxay ku jirtaa gunta badda, hase yeeshee waxa xiga ee dhici doona ayaa qarsoodi noqonaya. Ciidamada badda Mareykankana meysan xaqiijin halka ay diyaaraddaasi dhacday ku jirta iyo muddada ay soo saaristeeda qaadaneyso.

Shiinuhu wuxuu sheeganayaa ku dhawaad dhammaan badda Koonfurta Shiinaha wuxuuna si isdaba joog ah sanadihi la soo dhaafay uu u qaaday tallaabbooyin uu sheegashadaasi ku xaqiijinayo, isagoo diiday inuu aqoonsado xukunkii maxkamadda caalami ah ay soo saartay 2016-kii isagoo xukunkaasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

Ciidamada Badda ee Mareykanka iyo Philippine oo tababar ku qaadanaya Badda Koonfurta Shiinaha
Ciidamada Badda ee Mareykanka iyo Philippine oo tababar ku qaadanaya Badda Koonfurta Shiinaha

Khabiirka dhinaca Amniga Qaranka ayaa sheegay militariga Shiinaha “iney aad ugu dhow yihiin” iney diyaaraddaasi helaan balse Markab uu leeyahay Mareykanka ayaa meesha ay diyaaraddu ku dhacday u soo jira masaafo loo soconaya 10 maalmood.

Waa dib u dhac aad u weyn, ayey tiri la taliye dhinaca Militariga ah, sababta oo ah sanduuqa madow ee xogta diyaaradda laga helo ayaa gubanaya ka hor inta uu Markabka Mareykanka goobtaasi gaarin, taasoo sii adkeyneyso in diyaaradda la helo.

“Mareykanka aad ayey muhiim ugu tahay inuu diyaaraddaasi helo,” ayey tiri. “Diyaaradda dagalka ee F-35 ee badda ku dhacday waa diyaarad la oran karo Koombiyuutar duulaya. Waxaana loo naqshadeeyey iney xambaarto qalab aad u badan- iyada ciidamada cirka ay ku tilmaamaan inuu ku xiran qalab shiishka diyaaradda si weyn gacan uga geysanaya’.”

Shiinuhu ma laha teknooloojiyad heerkaa gaarsiisan marka haddii ay diyaaraddaasi gacanta ku soo dhigaan waxay ku gaarayaan horumar aad u weyn, ayey tiri.

Mar ay ka jawaabeysay su’aasha ah inuu jiro dib u soo billaabashada dagaalki qaboobaa waxay tiri: “Dhammaan arrimahan waxay ku xiran yihiin cidda ay guusha raacdo, baadigoobka looga jiro dagaalkuna waa mid seddex geesoos ah oo cajiib ah.”

Diyaaradda F35-C maxay gaar la tahay?

Diyaaradda ciidamada Badda Mareykanka ee F35 ee ka duwan nooca F35-C

  • Waxay awood u leedahay inay is hor taagto hannaanka diyaaradaha kale iyo qalabkeeda hawada ayaa diyaaraddan ka dhigaya mid ka sarreysa diyaaradaha kale ee dagaalka.
  • Waxay leedahay hannaan khiyaamaya amaba dhaafaya raadaarka diyaaradaha cadowga, cirka iyo dhulka.
  • Waa diyaaraddii ugu horreysay ee ciidamada Badda Mareykanka taaso si sahlan uga howlgeli karto hawada cadowga.
  • Baalasha dhaadheer iyo matoorka xoogga badan ee ay ku duushana wuxuuu sahlaya iney si fudud uga duusha markabka dushiisa.
  • Waxaana diyaaraddaasi ku rakiban matoorka ugu awoodda badnaa oo la saaro diyarad dagaal kuna socon karo xawaare dhan 1,200 daqiiqaddiba.
  • Waxayna baalasheeda ku qaadi kartaa laba gantaal iyo afar gantaal oo gudaha ah.

Austen oo horay la taliye ugu ahayd taliyaha guud ee ciidamada isku dhafka Mareykanka iyo Diblumaasi sare oo Yurub iyo Nato u qaabilsanaa waxay sheegtay iney aaminsan tahay isku day kasta uu Shiinuhu ku sheegta soo saaristasi waxay Beijing ku keeneysaa “Cadaadis kale” oo dhanka Mareykanka uga yimaadda.

Waxay sheegtay iney aaminsan tahay, iney ku soo beegantay wakhti khatar badan oo ay dad badan aaminsan yihiin ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistaan iney tahay Habacsanaan iyo Masiibo weyn.

Waxaan shaki ku jirin inuu Shiinaha diyaaraddan uu u baahan yahay, iyada oo ay dhici karta basaasnimada dhinaca interneetka ah iney xog badan ay ku heleen xog ku saabsan waxa ay diyaaraddan ka sameysan tahay, qaabka ay ku shaqeyso iyo teknooloojiyadaha loo adeegsaday, ayuu yiri Bryce Barros oo ah falanqeeye arrimaha Shiinaha ahna nin si weyn ula socda amniga mashruuca truman.

“Waxaan u maleynayaa inay rabaan inay arkaan qaybaha dhabta ah ee diyaaradda, si ay si fiican ugu fahmaan sida loo sameeyey ayna u ogaadaan dhinacyada ay ka nugushahay.”

Bayaan ka soo baxay ciidamada Badda Mareykanka waxaa lagu sheegay howlgalka diyaaraddaasi lagu soo saarayo inuu socdo wixi ka dambeeyey marki ay cillad “diyaaraddaasi ku timid” xilli ay ka duuleysay Markabka USS Carl Vinson.

Haddaba helitaanka diyaaradda siduu u socdaa?

Koox ka socota Kormeeraha Badbaadinta iyo quusitaanka ee Maraykanka ayaa bacaha ku dhejin doona qolofka diyaaradda oo si tartiib ah loo buufin doono si burburka diyaaradda dusha sare ee badda loogu soo saaro.

Howshaasi waxay noqon doontaa mid adag haddii burburka diyaaradda uu yahay mid firirsan.

Diyaaradda badda ku dhacday ayaana loo badinayaa in ay ku hubaysnayd ugu yaraan dhawr gantaal oo ay ku sidday baalasheeda iyo gudaheeda taas oo sidoo kale adkayn karta soo saaridda diyaaradda.

Markabka USS Carl Vinson
Markabka diyaaradaha qaada ee USS Carl Vinson

Waxaana jira tilmaamo muujinaya cidda ku guuleysaneysa loollanka Militari ee socda.

1974-kii xilli uu dagaalki qaboobaa uu taagnaa, CIA-da Mareykanka waxay si qarsoodi ah ku soo jiidatay markab uu Ruushka leeyahay oo ku dagay xeebta Hawaii iyada oo adeegsatay qalab cajiib ah.

Laba sano kaddibna Militariga Shiinaha ayaa si qarsoodi ah ula soo baxay Markab uu Ingiriiska lahaa oo ku dagay xeebtaha bari ee Shiinaha.

Waxaa sida oo kale la rumeysn yahay inuu Shiinuhu gacanta ku dhigay burbruka diyaaraddii sirdoonka Mareykanka ee “Stoalth”, oo ku dhacday werarki 2011-kii lagu qaaday goob uu ku sugnaa Osama Bin Laden.

“Waxaan hubnaa iney ciidamada Shiinuhu arkeen qalabka saaran iyo barnaamijyada ay diyaaraddaasi ku shaqeyso”, ayuu yiri Barros.

Ilaa iyo hadda waxaa rekoorka badbaadinta waxyaabaha badda ku dagay haysta diyaaraddii gaadiidka ciidamada badda ee Mareykanka oo badda Philipine ku dhacday, gunta baddana laga soo saaray 2019-kii.

Waxaana diyaaradaasi laga soo saaray moolka badda oo gaaraya 5,638 mitir.

Fursadda kale ee Mareykanka hortallo waxay tahay iney diyaaraddaasi dagaalka halkeeda ku burburiyaan si ay gacanta Shiinaha ugu dhicin.

“Waxa ugu fudud ee la sameeyn karo waxay noqon doontaa in la burburiyo” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada.

Balse waddadaasi looma maleynayo iney noqoto tan ugu dhow in la tixgeliyo, waxaase la hubaa in dadaal xooggan looga jiro sidi diyaaraddaasi badda ku dhacday loo soo saari lahaa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this