Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo qaabilay xalay wefdi Faransiis ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa xalay Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Yurub iyo Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Faransiiska, kaas oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Christophe Bigot.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah iyo xoojinta iskaashiga wadar geesoodka ah ee labada dal, waxaana ay si gaar ah kulankooda diiradda ugu saareen iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo qaabilay xalay wefdi Faransiis ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this