Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka Soomaalida ah ee xabagta daneeya oo ay guul u soo hoyatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadka Soomaalida ah ee xabagta daneeya oo ay guul u soo hoyatay

Dhirta xabagta iyo malmalka

Geedaha xabagta laga gurto ee ka baxa gobolka waqooyi bari, Kenya, waxay ka mid ahaayeen badeecooyinka gaarka u ah bulshada deegaanka ee sanado badan ay aduunyada ka ganacsan jirtay.

Soomaalida caalamka meel ay joogtaba waxay xiriir ganacsi la lahaayeen dhammaan ummadihii horumarka ka sameeyay dunida oo ay ka mid ahaayeen Masaaridii hore, mesopotaniya (Ciraaq), Persia (Iiraan) Greegga, Shiinaha, Hindiya iyo roomankii.

Waxaa dhaqanka ummad walba qeyb libaax ka ciyaara deegaanka iyo qaabka uu dabiici ahaan ugu sameysan yahay, marka la eego xayawaanka duurjoogta ah, nimcoolayda iyo dhamaan bii’ada inteeda kale.

Muddo gaaban ka hor, dhulka Soomaaliyeed wuxuu hoy u ahaa xayawaan iyo haad aad u tiro badan oo isagu jira nooc walba oo ku noolaan kara duruufaha geyiga Soomaaliyeed.

Geedaha ganacsiga ugu weyn diiradda lagu saari jiray, aadna loo daneyn jiray waxaa ka mid ah xabagta, malmalka iyo xabagxagarta.

Muddooyinkii dambe ma jirin adeegyo fiican oo ay ka faa’iideystaan dadka dhirtaas daneeya.

Hadda magaalada Wajeer waxaa laga furay warshadii ugu horeysay ee soo saarta waxyaabaha saalidda ah ee laga sameeyo xabagta, lubaadinta, malmalka iyo xabagxagarta.

Warshadda Xabagta

Xaflad daah fur ahayd oo ka dhacday magaalada laanbib ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka horumarinta bariga afrika, Maxamed Aadan oo furay warshaddan oo dhismaheeda lagu bixiyay lacag dhan afar malyan oo doolar.

 

Xafladda furitaanka warshadda

Wasiirka ayaa sheegay in wasrashadan ay tahay midda keliya ee ku taalla bariga afrika ee soo saari doonta lubaadinta, malmalka iyo xabagta.

Waxa uu sharraxay ujeeddada warshadda loo dhisay.

“Kiilada malmalka ah qiimihiisu waxa uu gaaraa 800 oo shilinka Kenya ah, laakiin marka la warshadeeyo qiimahaas wuxuu noqdaa saddex jibaar, waana arrintaas awgeed sababta ay dowladda Kenya warshaddan uga dhiseyso halkan,” ayuu yiri.

Warshadan ayaa dhismaheeda waxaa gacanta ku hayay haya’adda Awaso Ngiro oo u xil saaran horumarinta waqooyi bari, waxaana dadaal lagu bixiyay sidii warhsaddan saldhiggeeda uu u noqon lahaa gobolka ay Soomaalidu dagto.

siyaad xassan

“Meel walba ayaan u galay in la ansixiyo warshaddan. Guddiga ayaan la gaashaday, wasiirka ayaan hor geeyay, dadaal baxan ayaan ku bixinnay,” ayuu yiri Xaaji Siyaad Xasan oo ah guddoomiyaha hay’adda loo xil saaray horumarinta waqooyi bari.

Barasaabka gobolka wajeer Axmed Cali Mukhtaar oo xafladda furitaanka warshadda ku sugnaa ayaa ugu baaqay shacabka inay beeraan geedaha xabagta iyo malmalka si ay uga faa’iideystaan dhaqaale ahaan, dhallinyaraduna ay shaqo uga helaan warshadda.

“Xabagta warshaddan looga shaqeyn doono waa mid si aad ah looga helo deegaankeenna. Waxaa sidoo kale ka mid ah luubaadinta. Waa inaan beernaa geedo cusub si ay usoo baxdo xabag badan oo warshadda loo adeegsado, kuwa hadda jirana aan la jarin oo la dhaqaaleeyo,” ayuu yiri.

Tallaabadan ayaa noqoneysa guul weyn oo u soo hoyatay Soomalida Waqooyi bari, iyadoo sanado badan kaddib markii ugu horeysay laga hirgeliyay wasrhad wweyn gobolkan oo qof walba uu ka heli karo fursad ganacsi oo dadaalkiisa ku xidhan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this