Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasadda Rooble ee ku wajahan Imaaraadka oo si rasmi ah u dhaqaaqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbeddel weyn oo dardar ku socda ayaa ka muuqda siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo ah dal aan wax xiriir ah la laheyn Soomaaliya tan iyo bishii April 2018.

Xilligaas ayaa sirdoonka Soomaaliya waxay garoonka Aadan Cadde ku qabteen lacag dhan 9.6 milyan oo dollar, oo ay sheegeen in lagu arbushi rabay xasilloonida dalka, balse Abu Dhabi ay sheegtay inay aheyd lacag loogu talo-galay ciidamada Soomaaliya ee xilligaas ay tababari jireen.

Hase yeeshee, 7-dii Janaayo, Rooble ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah oo uu Imaaraadka Carabta kaga raali geliyey dhacdadaas, sidoo kalena ku ballan-qaaday inuu soo celin doono lacagtaas.

Wixii markaas ka dambeeyey, waxaa muuqata in xiriirka labada dal uu soo wanaagsanaanayo, si gaar ahna in dowladda federaalka ay qaadeyso tallaabooyin ay Imaaraadka Carabta ugu muujineysa inuu dhab ka yahay isbeddelka ay ballan-qaaday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shalay oo Arbaco ahayd khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Imaraadka Carabta, Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii ay Xuutiyiinta ku qaadeen magaalada Abu Dhabi.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah, iyaga oo isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran. Waxaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

Waxay aheyd markii labaad toddobaad gudihiisa oo dowladda federaalka ay qaado tallaabo ku wajahan dhanka Imaaraadka Carabta.

Markii uu dhacay weerarkii Abu Dhabi Isniintii, dowladda federaalka ayaa isla maalinkii soo saartay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo lagu cambaareeyey weerarkaas.

Rooble ayaa toddobaad kahor wuxuu shirkii Golaha Wasiirada ka shaaciyey in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan, islamarkaana aysan si gaar ula macaamilin dal gaar ah, kuwa kalena aysan fogeyn, ayada oo xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso sida uu sheegay siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa hadda muuqata in dowladda federaalka ay tallaabooyin deg deg ah u qaadeyso inay Imaaraadka ku qanciso in siyaasaddii Farmaajo ee ku wajahneyd Abu Dhabi ay beddeshay siyaasadda Rooble.

The post Siyaasadda Rooble ee ku wajahan Imaaraadka oo si rasmi ah u dhaqaaqday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this