Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Natiijada Doorashada Maanta Ka Dhacday Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa waxaa maanta ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan golaha shacabka.

Kuraasta la doraty ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu uu yahay  HOP#184,  HOP#085,  HOP#046,  HOP#156  iyo  HOP#176.

Kursiga HOP#184:  Waxaa ku tartamay Xasan Cabdinuur Cabdi iyo Maxamed Cabdullahi Cali, waxaana kursigaas ku guuleystay Xasan Cabdinuur Cabdi oo helay 72 cod, halka Maxamed Cabdullahi Cali uu helay 27 cod.

Kursiga HOP#85:  Waxaa kuwada tartamay Shariif Maxamed Cabdullahi iyo Maxamed Xuseen Mukhtaar, waxaana kursigaas loo doortay Shariif Maxamed Cabdullahi oo helay 79 cod halka uu 19 cod uu helay musharax Maxamed Xuseen Mukhtaar.

Kursiga HOP#176:  Waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah Maxamed Mursal Maxamuud iyo Musharax Cabdixakiin Mustaf Ibrahim, waxaa ku guuleystay tartanka Musharax xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud oo helay 73 Cod, halka uu musharax Cabdixakiin Mustaf Ibraahim uu helay 26 cod.

Kursiga HOP#46:  Waxaa kuwada tartamay musharixiinta kala ah Maxamed Wardheere Cabdi iyo Cabdullahi Samow Cusmaan, waxaa kursiga ku soo baxay musharax Maxamed Wardheere Cabdi oo helay 83 cod kaas oo noqonaya xildhibaan ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka 11-aad, halka musharaxa laga guuleystay ee Cabdullahi Samow Cusmaan uu helay 11 cod.

Kursiga HOP#156:  Waxaa ku tartamay Maxamed Aadan Maxamed iyo Maxamed Ibraahim Isaaq, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Maxamed Aadan Maxamed oo helay 88 cod, halka musharax Maxamed Ibraahim Isaaq uu helay 10 cod.

Xildhibaanada cusub ee maanta la doortay ayaa qeyb ka noqonaya baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxaana maamulka koonfur galbeed uu yahay maamulka illa iyo hadda xildhibaanada ugu badan laga doortay .

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this