Deeq A. Posted January 15, 2022 Wax ka ogow caqabadaha ay wajahaan Muslimiinta Sri Lanka Seyga Maram Khalifa, oo ah qareen caan ah oo u dooda xuquuqda dadka, ayaa xabsi ku jira muddo 20 bilood ah Marka laga soo tago xannaaneynta ilmaheeda, Maram Khalifa waxay inta badan waqtigeeda ku qaadataa qaabkii ay seygeeda xabsiga uga soo deyn lahayd. Hejazz Hizbullah, oo ah qareen caan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha una dhashay Sri Lanka, ayaa xabsi ku jira muddo 20 bilood ah, isagoo loo heysto eedeymo argagixisannimo ah. Dacwad-oogayaasha ayaa ku eedeeyay hadallo nacayb ah. Waxay sheegeen in Mr Hizbullah uu u khudbeeyay wiilasha yaryar ee Muslimiinta ah uuna ka hor keenaya bulshada Kirishtaanka ah. Mr Hizbullah, oo ka soo jeeda bulshada Muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay, ayaa in ka badan sanad xabsi ku jira. Maxkamadeyntiisa ayaa lagu wadaa inay bilaabato dabayaaqada bishan. Xaaskiisa ayaa ka soo horjeedda eedeymahaas. “Wuxuu ahaa qof codkar ah, aad ugu fiican difaacidda xuquuqda Muslimiinta iyo guud ahaanba xuquuqda dadka laga tirada badan yahay,” ayay u sheegtay BBC. Eedeymaha ka dhanka ah seygeeda ayay sheegtay inay “farriin u yihiin qof walba oo doonaya inuu ka hadlo takoorka iyo faquuqa”, ayay tiri. Mr Hizbullah ayaa markii ugu horreysay la xiray isagoo lala xiriirinayo qaraxyadii lagu hoobtay ee sanadkii 2019 ka dhacay dalkaas, oo ay fuliyeen kooxo Islaami ah oo gudaha dalkaas ka dhisan. In ka badan 260 qof ayaa ku dhintay iyadoo hoteello waaweyn iyo kaniisado la bartilmaameedsaday. Markii hore, waxaa lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay mid ka mid ah raggii qaraxa fuliyay. Qareennadiisa ayaa sheegay in markii dambe uu dacwad-ooguhu ka laabtay eedeymahaas kaddib markii ay sheegeen in keliya uu ka soo muuqday labo kiis oo muran dhul ku saabsanaa uuna ku lug lahaa aabbaha ninka weerarka geystay, oo ah ganacsade caan ah. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sanadkii la soo dhaafay ku tilmaantay Hizbullah, oo cambaaereyn jiray dowladda, inuu yahay “qof si ku talogal ah loo xiray”. Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xarigga Hizbullah uu qeyb ka yahay dhibaatada sanadahan dambe lagu hayo bulshooyinka laga tirada badan yahay. Muslimiinta Sri Lanka ayaa wax ka yar 10% ka ah bulshada dalkaas ee 22-ka milyan ah, badankoodna ay yihiin qowmiyadda Sinhala ee heysata diinta Buddhism-ka. Hejazz Hizbullah ayaa 20 bilood xabsiga ku jira Muslimiinta ayaa dowladda xulafo la ahaa intii uu socday dagaalkii 30-ka sano lagula jiray mucaaradka Tamil Tigers, oo u dagaallamayay inay goonni u goostaan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Tamil. Balse hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ayaa sheegay in qeyb ka mid ah bulshada ugu badan dalkaas ee Sinhala ay iyaga ku soo jeesteen kaddib markii laga adkaaday dagaalyahannada Tamil Tigers bishii May 2009. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay inay jireen weerarro ka dhan ah Muslimiinta, oo lagu beegsanayo guryaha iyo ganacsiyada, kuwaas oo ay geysanayaan maleeshiyaad Sinhala ah xitaa kahor qaraxyadii 2019-kii. Weerarradaas ayaa tooshka ku ifiyay Muslimiinta. Toddobaadyo kaddib qaraxyadaas, hantida Muslimiinta iyo masaajidda ayay weerareen maleeshiyaad qowmiyadda Sinhala ka soo jeeda hadallada nacaybka ah ayaana buux dhaafiyay baraha bulshada. Xagjiriinta Sinhala ayaana ku baaqayay inaan waxba laga iibsan dukaamada Muslimiinta. Madaxweynaha dalkaas, Gotabaya Rajapaksa, oo berigaas ahaa xoghayihii gaashaandhigga isla markaan hoggaaminayay dadaallada dagaalkii ka dhanka ahaa mucaaradka Tamil, ayaa xukunka dalkaasi qabtay bishii November 2019 isagoo taageero xooggan ka helaya kooxaha Sinhala. Wuxuu ololaha ku galay inuu xoogga saarayo ammaanka dalka. Muslimiinta Sri Lanka ayaa u baroordiiqay dadkii ku dhintay qaraxyadii 2019 Xilligan oo uu jiro xanuunka safmarka ah, dowladdu markii hore ma aysan oggoleyn in la aaso meydadka qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Muslimiinta iyo Kirishtaanka. Dhowr meydad ah ayaa si qasab ah loo gubay, iyadoo khubarradu ay sheegayaan in meydadkaasi la aasi karay haddii la raaco talaabooyinka ka hortagga. In meydadka la gubo waa ka mamnuuc Islaamka. Saraakiisha dowladda ayaa xilligaas ku dooday in aaska meydadka ay fayras ku faafin karaan biyaha dhulka hoostiisa ku jira. Kaddib qeylo dhaan badan oo ka timid qowmiyadahan, ayay sanadkii la soo dhaafay dowladdu meel gaar ah bariga Sri Lanka uga qoondeysay in lagu aaso meydadka bukaannada u dhintay xanuunka Covid. Dowladda ayaa sidoo kale sanadkii la soo dhaafay soo jeedisay mamnuucidda xirashada indha shareerka oo ay sheegtay inuu caqabad ku yahay ammaanka qaranka. Waxaa sidoo kale jiray qorshe lagu dhawaaqay oo lagu xirayo ilaa 1,000 iskuullo Islaami ah, oo ay dowladdu sheegtay inay meel uga dhacayaan siyaasadda waxbarashada qaranka. Hoggaamiyaha dadka Buddhism-ka heysta Galagoda Aththe Gnanasara ayaa lagu eedeeyay kicinta nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta Dowladda Sri Lanka ayaa diidday eedeymaha ah inay gacan bidixeyneyso bulshada Muslimiinta ah. Mohan Samaranayake, oo ah Agaasimaha Guud ee Waaxda Warfaafinta Dowladda Sri Lanka, ayaa BBC-da u sheegay BBC: “Ma jirto siyaasad dowladeed oo takoor ah oo ka dhan ah qowmiyad. Balse waxaan qirayaa inay jiraan dhibaatooyin ay wajahayaan dhammaan qowmiyadaha, oo ay ku jiraan Sinhala.” Isagoo ka hadlayay xiritaanka madrasadaha, ayaa wuxuu yiri: “Go’aankan waxaa la qaatay kaddib baaritaan lagu sameeyay qaraxyadii Easter Sunday oo lagu ogaaday in xarumaha waxbarashada qaarkood loo adeegsado in xagjir laga dhigo da’ yarta Muslimiinta ah.” Sri Lanka ayaa waxay haatan wajaheysaa xasarad dhaqaale oo la xiriirta dhanka sarrifka lacagaha qalaad. Xayiraadaha wax soo dhoofinta ayaa sanadkii la soo dhaafay sare u qaaday qiimaha badeecadahada muhiimka ah ilaa 30%, taas oo sababtay in xitaa qowmiyadda Sinhala ay cambaareeyaan dowladda. Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ayaa sheegay inuu jiro dareen ah in xasaradda dhaqaale ee haatan ka taagan dalkaas ay sababtay in diiradda laga weeciyo bulshadooda. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites