Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo maanta ka qarxay duleedka caasimadda PUNTLAND + Khasaraaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta dagaal culus uu ka qarxay duleedka magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, kaasi oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay tuulada Saax-maygaag, waxayna xiisadan ku saleysan tahay deegaameynta deegaankaas oo u dhaxeeya degmada Boocame ee gobolka Sool iyo tuuada Birta dheer ee gobolka Nugaal.

Khasaaraha dagaalkan ayaa illaa hadda inta la xaqiijiyey waxaa ku dhimatay lix ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamayay, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 qof oo kale.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan uu yimid kadib markii xal laga gaari waayey muranka ka daagan nidaamka deegaameynta, waxaana colaadan ku barakacay qoysas badan, xilli ay abaar iyo xaalad bini’aadanimo ka jirto gobolka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland. Sidoo kale majirto waan-waan illaa hadda laga dhex bilaabay labada Beelood ee dagaalamay.

Ma aha markii u horeysay ee deegaanka Saax-maygaag uu ka dhaco dagaal beeleed, mana jirto illaa hadda wax tallaabo ah oo laga qaaday colaada soo laab-laabatay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Dagaal culus oo maanta ka qarxay duleedka caasimadda PUNTLAND + Khasaraaha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this