Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada ra’iisul wasaareyaashii iyo madaxweyneyaashii is khilaafay ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Tirada ra’iisul wasaareyaashii iyo madaxweyneyaashii is khilaafay ee Soomaaliya

Khilaafka iyo is qabqasiga hogaamiyaasha Soomaaliya ayaa ah mid aanan ku cusbeyn dhagaha shacabka Soomaaliyeed oo waxaa inta badan dhacda in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay isku fahmi waayaan arrimo siyaasadeed taas oo inta badan horseedda in midkood mooshin loo qaado oo sidaasi shaqada uga tago inkastoo ay dhif iyo naadir tahay in madaxweynaha uu tago.

1- Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo raysal wasaare Nuur Cadde

Cabdullaahi Yusuf iyo Nuur Cadde
Cabdullaahi Yusuf iyo Nuur Cadde

Nuur Cadde wuxuu xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qabtay 22-kii November 2007-dii. Xilkaas waxaa u magacaabay madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo hoggaaminayay dowlladii kumeel gaarka ahayd.

Wuxuu xillgaas xilka kala wareegay Cali Maxamed Geedi oo is casilay 29-kii bishii october ee isla sannadkaas, 2007.

Madaxweynihii hore, Cabdullaahi Yusuf oo siyaasad ahaan ay kala aragti duwanaadeen Nuur Cadde, wuxuu dhammaadkii 2008-dii sheegay inuu kala diray Nuur Cadde iyo golihiisii Wasiirada.

Mooshinno iska soo horjeeday oo la geeyay Baarlamaaka waxaa codka ku guuleystay Nuur Cadde. Wuxuuna xilka Madaxweynaha u tartamay doorashadii Jabuuti ka dhacday horraantii 2009-dii ee uu ku guuleystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

2- Cumar Cabdirashi Cali Sharmarke iyo Sheekh Shariif- 2009 illaa September 2010

Ka dib markii Sheekh Shariif lagu doortay shirkii Jabuuti ee 2009-kii, wuxuu Bishii February ee isla sannadkii magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ay dalka Jabuuti ku wada sugaayeen.

Wuxuu ahaa qof siyaasadda Soomaaliya aan si wayn galangal ugu lahayn ka hor intii aan xilkaa loo magacaabay, waxayna ahayd xilli dowladda ay dagaal adag kala kulmeysay kooxo muqaawamo ahaa iyo Al-Shabaab oo qeybo badan oo Muqdisho ah haysatay.

Cumar Cabdirashiid wuxuu ahaa ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Cumar Cabdirashiid wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Bishii February 14-keedii, Baarlamaankii ku meelgaarka ahaa ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabiddii Cumar Cabdirashiid. Waxaa taageertay 414 Xildhibaan, 9 way ka soo horjeesatay, halka labana ay ka aamustay.

Balse, bilihii April iyo May ee 2010-kii ayuu soo ifbaxay khilaaf u dhexeeyay madaxdii dowladda gaar ahaan Cumar Cabdirashiid iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka ee xilligaas, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Khilaafkaas wuxuu sababay in Baarlamaanka ay mooshin ka keenaan Aadan Madoobe oo xilka iska casilay markii dambe.

Inkastoo Tallaabadaas Baarlamaanka ay dhacday, oo la filayay in khilaafka uu halkaa ku dhamaado, waxaa soo baxay warar ahaa in madaxweynihii xilligaas, Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu doonayay inuu isbedel ku sameeyo xukuumadda oo dhan, meeshana uu ka saaro Cumar Cabdirashiid.

Khilaafka markii uu curyaamiyay howlihii dowladda, ayey beesha Caalamka iyo urur goboleedka IGAD billaabeen in dhinacyada ay ugu baaqaan in ay ka fogaadaan wax kastoo dhib ku ah geedi socodka dowladda ayna ka wadahadlaan xaaladda jirto.

Balse, ka dib markii la is afgaran waayay, waxaa jiray warar ahaa in Sheekh Shariif uu isku deyay in Cumar Cabdirashiid uu ku qanciyo inuu is casilo, si uu ra’iisul Wasaare kale u soo magacaabo.

Arrimihii ugu waaweynee ee ay isku hayeen waxaa ka mid ahaa sameynta dastuur qabyo qoraal ah iyo sida loo diyaarinayo.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ugu dambeyn, dhammaadkii bishii September 2010-kii, iska casilay xilkii Ra’iisul Wsaare ee uu hayay.

3- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed- October 2010 illaa June 2011

Bishii October 14-keedii, sannadki 2010-kii ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna badalay Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

30-kii Bishii October, barlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixyay magacaabista Farmaajo.

Kontonkii maalmood ee ugu horeysay ee xafiiska ra’iisulwasaarah uu ka shaqeynayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku guuleystay bixinta mushaaraadka ciidamda iyo shaqaalaha dowlada.

Inuu xilka iskacasilo Farmaajo waxaa qeyb ka ahaa heshiiskii muranka dhaliyay ee Kampala Accord. wuxuu xilka hayay muddo kooban.
Inuu xilka iskacasilo Farmaajo waxaa qeyb ka ahaa heshiiskii muranka dhaliyay ee Kampala Accord. wuxuu xilka hayay muddo kooban.

Dhanka dagaalka, Xukuumadii cusbeyd ee Farmaajo iyo ciidamada AMISOM waxay hanteen boqokiiba lixdan caasimada Muqdisho, iyagoo oo ka saaray dagaalyahannadii Al-Shabaab.

Hase ahaate dhowr bilood ka dib waxaa soo baxay khilaaf u dhaxeeyay Farmaajo, Sheekh Shariif iyo gudoomiyihii baarlamaankii, Shariif Xasan Sheekh Adan, oo salka ku hayay qabashadii doorashadii 2011-kii.

Khilaafkaas si loo xalliyo, waxaa shir ku casuumay madaxweynaha Uganda, Yuweri Mseveni, kaas oo sababtay in uu xilkii Ra’iisul Wasaaraha iskacasilo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, 19-kii bishii June 2011-kii.

Farmaajo ayaa khudbadii uu xilka uga degayay ku sheegay in uu go’aankaasi u qaatay danta dalka iyo dadka awgeed.

Heshiiskii Kampala oo ahaa mid muran dhaliyay ayaa sidoo kale ogolaanayay in madaxweynaha, guddonka Baarlamaanka iyo xildhibaannada ay muddo sannad ah xilka ku darsadaan.

Ka dib waxaa xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka mid ahaa golihii wasiirada ee xukuummaddii Farmaajo.

4- Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) – October 2012 illaa December 2013

Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud markii uu maamulka Villa Somalia la wareegay, wuxuu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Xilligii uu codka kalsoonida weydiisanayay baarlamaanka, wuxuu Saacid sheegay in uu soo dhisayo gole wasiiro oo howlkar ah iyo in uusan u dulqaadan doonin musuqmaasuqa.

17-kii isla bishaas, Xildhibaannada waxay ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah. Waxaa kalsoonida siiyay 215 xildhibaan oo ka mid ahaa 275-tii mudane ee baarlamaanka uu ka koobnaa.

Balse sannad ka dib markii xilka loo magacaabay Saacid, waxaa soo baxay khilaaf u dhexeeyay isaga iyo madaxweynaha oo ka dhashay isku shaandheyn uu ku sameyn rabay golihii wasiirada.

Saacid iyo Xasan Sheekh wuxuu khilaafkoodu bilowday sannad ka dib markii xilka loo dhiibay
Saacid iyo Xasan Sheekh wuxuu khilaafkoodu bilowday sannad ka dib markii xilka loo dhiibay

5- Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiweli Sheekh Axmed – December 2013 illaa December 2014

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay ra’iisul wasaarihii labaad ee dowladdiisa, wuxuuna ka dhigay Cabdiweli Sheekh Axmed oo baarlamaanka ay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen 21-kii December 2013-kii.

Siyaasiyiintii Soomaalida iyo beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay magacaabistaas iyo golihii wasiirada ee xukuummaddii Cabdiweli.

Balse ku dhowaad sannad ka dib markii xilka uu la wareegay, bilihii October iyo November, 2014-kii, waxaa soo baxay khilaaf u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaafkaas wuxuu markale ka dhashay isku shaandheyn uu ra’iisul wasaaraha doonayay in uu ku sameeyay golihii wasiirada, waxaana lagu eedeeyay in uusan madaxweynaha la tashan.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xilka ku waayay mooshin si weyn loogu loollamay
Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xilka ku waayay mooshin si weyn loogu loollamay

Dhexdhexaadin ay isku deyeen siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa fashilmay, waxaana dhashay in baarlamaanka la isla aado. Ka dib waxaa bilowday kulamo kala gaargaar ah oo lala yeelanayay xildhibaannada, iyadoo suuragal ay ahayd in mooshin la gudbiyo.

Mooshinkaas ayaa ugu dambey gaaray baarlamaanka, waxaana dhowr goor la isku khilaafay xilliga laga doodayo codkana loo qaadayo.

Ka dib waxaa soo baxay wasiirro ka tirsanaa xukuummaddii Cabdiweli Sheekh Axmed oo Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday inuu iska casilo xilka isagoo dhowraya danaha dalka.

 

Horraantii bishii December ee 2014-kii, ayey baarlamaanka u qaadeen codka kalsooni kala noqosho oo ka dhan ahaa Ra’iisul Wasaaraha. 153 xildhibaan ayaa u codeynsay arrintaas, 80-na way diiday. Taasna waxay soo afjartay xilligii shaqo ee Cabdiweli Sheekh Axmed ee xukuumadda.

17-kii isla bishaas ee 2014, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dowladdii Sheekh Shariif na ka soo noqday Ra’iisul Wasaare.

6- Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre – March 2017 illaa July 2020

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 23-kii February xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Xasan Cali Khayre. Waxay ahayd maalin ka dib markii xilka madaxweynaha loo dhaariyay.

Khayre horey uma soo qaban xil siyaasadeed, balse wuxuu ahaa ganacsade iyo qof ka soo shaqeeyay arrimaha gargaarka Soomaaliya.

Wuxuu codka kalsooni ah ka helay 231 xildhibaan, 1-dii bishii March ee 2017-kii. Golihiisii Wasiiradana waxaa la ansixiyay 21-kii isla bishaas.

Xasan Cali Khayre, waa ra'iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa
Xasan Cali Khayre, waa ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa

Muddadii uu xilka hayay, isaga iyo madaxweynaha waxay ahaayeen laba qof oo si wayn isula soo shaqeysa, waxayna ku celcelin jireen in muddo xileedka dowladda ay isla dhameysan doonaan.

Khayre wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee Soomaaliya soo samara 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Arrimaha uu wax ka qabtay waxaa ka mid ah diiwaangelinta ciidamada. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday la dagallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo dhaqaalaha iyo dardargeklinta shaqooyiinka dowladda.

Balse, dadka ka faallooda arrimaha siyaasadad waxay sheegayaan in madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ay ku kala aragti duwanaayeen qabashada doorashada, oo hadda waqti kooban uu ka dhiman yahay.

Labada masuul ayaa ka qeybgalay shirkii Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen madaxda maamul Goboleedyada kaas oo looga hadlay in doorashada waqtigeeda lagu qabto.

Balse, maalmo ka dib shirkaas, 25-kii bishan July, baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay mooshin aan horey loo sii shaacin, taas oo muran iyo buuq ka dhex dhalisay xarunta baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay xil ka qaadista Khayre taas oo madaxweynaha uu aqbalay isla markiiba.

Balse Xasan Cali Khayre oo sharci darro ku tilmaamay hannaankii loo maray codeynta ayaa sheegay inuu si iskiis ah xilka isaga casilay, “isagoo u turaya dalka”.

7-Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble

Rooble iyo Farmaajo

Hadda waxaa taagan khilaaf xooggan oo u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble kaas oo u muuqda inuu halki ugu sarreeysay ka dib markii uu madaxwyeha ku eedeeyay inuu ku fashilmay shaqadii loo igmaday ee doorashada sidaasi darteedna uu sheegay inuu shaqada ka joojiyay raysal wasaaraha.

Dhanka kale raysal wasaare Xuseen Maxamed Rooble oo ay caro ka muuqato ayaa jawaab ka bixiyay go’aanka madaxweynaha isagoo ku tilmaamay in Farmaajo uu yahay madaxweyne hore oo uu la mid yahay musharixiinta kale ee doorashada u tartamaya.

Farmaajo iyo Rooble ayaa sidoo kale khilaaf kan la mid ah dhexmaray bishii September ee sannadkan.

Khilaafkaan kii ka horreeyay ee labada hoggaamiye ayaa waxaa sal u ahaa kiiska Ikraan Tahaliil oo ahayd gabadh ka tirsan Hay’adda Sirdonka iyo Nabad Sugidda ee Soomaaliya( NISA) oo la sheegay inay dileen NISA.

Bishii September ayay ahayd markii madaxweyne Farmaajo uu sidan oo kale sheegay inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku eedeyay inuu “ka weecday waajibaadkii loo igmaday xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas.”

Labada hogaamiye ayaa haseyeeshee heshiis kala saxiixday dabayaaaqadii bishii Oktoobar taasoo meesha ka saartay xil ka qaadista uu Farmaajo sheegay.

Khilaafka dib u soo laba kacleeyay ee raysal wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo ayaa xiisad hor leh oo siyaasadeed ka dhaliyay Soomaaliya, isaga oo hadda ay u muuqato in uu markale lugaha la galay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this