Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamo kala eryey shacab dhigayey dibad-bax ka dhan ah FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta kala eryey dad shacab ah oo isku soo baxay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Muqdisho, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan xaaladda cakiran ee ka taagan dalka.

Dadweynahan ayaa dhigayey dibad-bax looga soo horjeedo madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, gaar ahaan tallaabad isku dayga Afgembi oo uu qaaday, balse guul darreystay, waxaana kala dareeriyey ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dibad-baxa ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaan siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka, sida Axmed Macalin Fiqi oo kasoo muuqday banaanbaxa oo sidoo kale lagu taageerayey Rooble.

Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay tallaabada ay qaadeen ciidamada ayaa sheegay in amarka lagu joojiyey dibad-baxooda uu ka so baxay taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyaiyo taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir.

“Askar ay soo direen taliye ku xigeenka Booliska Kaniif iyo taliyaha gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa la ii sheegayaa in ay is hor istaag ku sameeyeen shacab banaanbax si nabadgalyo ah u samaynayey degmada Hodan oo aan qeybtaysii hore aan goobjoog ka ahaa,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray ” Waxaa muuqata nimankaas in weli la shaqaynayaan rajiimkii waqtigu ka dhamaada, ayna dhegaha ka furaysteen baaqii raysulwasaaraha,”.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna farriin u diray ra’iisul wasaaraha iyo sidoo kale wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

“Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Farmaajo, ayaa waxaa hor istaagay Farxaan Qaroole iyo Kaniif. Raysalwasaaraha Rooble iyo Wasiirkiisa amniga waxaan ka codsanaynaa in ay dadka ka horwareejiyaan haraadiga kaligii takiska,” ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay khilaafka u dhexeeya Farmaaho iyo Rooble oo saameeyey doorashooyinka dalka.

270281629_4522211494558003_4503094279597 270223047_449567060181166_28668607541848 270246282_4522211437891342_3712400537551 270271532_449567030181169_73755284582232Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Sawirro: Ciidamo kala eryey shacab dhigayey dibad-bax ka dhan ah FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this