Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Apple oo soo afjari doonta isticmaalka kaadhadhka ku hadalka ee Telefoonada Gacanta la geliyo “SIMCARD”+Adeegay ku bedelayso.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Apple oo soo afjari doonta isticmaalka kaadhadhka ku hadalka ee Telefoonada Gacanta la geliyo “SIMCARD”+Adeegay ku bedelayso.

 

Shirkadda Apple ayaa la filayaa in soo afjari doonto isticmaalka kaadhadhka ku hadalka ee talefannada gacanta la geliyo “SIMCARD”.
Wararka laga helayo ilo ka agdhow shirkadda Apple ayaa sheegaya in ay qorshaynayso in talefankeeda iPhone – 14 ama15 oo la filayo in uu laba sano gudahood ku soo bixi doonaa uu noqon doono mid aan ku shaqaynayn kaadh, balse ‘Program’ ahaan lambarka Khadka shirkadda loogu buuxinayo.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in shirkadda Apple ay shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka Maraykanka u dirtay dhambaal ay ku wargelinayso in bisha Sabtembar 2022 ay farsamo ahaan u diyaargaroobaan adeegga talefanno casri ah oo ku shaqayn doono khad Program ahaan loogu shubay, kaas oo ay ugu yeedhay ‘Smart Simcard’
Waxa u warku intaas ku darayaa in sida oo kale lixda bilood ee u horreeya sannadka 2022 ka uu soo baxo talefanka iPhone13 oo ah nooc cusub oo aan kaadh la gelinayn.
Talefannada iPhone noocyadooda dambe ayaa muddaba ku shaqaynayey nidaamka ah laba kaadh oo midkood ‘Program’ ahaan loogu shubayo, laakiin hadda waxaa la filayaa waa talefankii oo gebi ahaantiiba aan lahayn godka la gelinayo kaadhka, taas beddelkeedana qofku isaga oo internet ka adeegsanaya uu ku buuxinayo kaadhka shirkadda uu isticmaalo.
270006569_535695114601359_30787190446563
270503531_535695161268021_34310139963417

Kamaal Marjaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this